Saturday, September 20, 2014

Kooxda Daacish Sii Daysay 49-La Haystayaal Reer Turki ahaa Oo Muddo u Taxaabnaa

Sanliurfa:Sep,20,2014(Himilo)-Kooxda Awoodda Badan ee Daacish, ayaa oodda ka qaaday 49 Qof oo la haystayaal Turkey ah ahaa tan iyo bishii June gacanta ugu jirey.

daynKooxdan la-haystayaashan ayaa si nabadgelyo ah loosoo daayey kadibmarkii dawladda Turkigu ay wada Hadal la Gashay Kooxda dadkaas Haysatay.

La haystayaasha waxaa ku jiray Diblamaasiyiin, Askar iyo Caruur, waxaana Bishii June Qunsuliyada Turkiga ka qafaashay Ururka Daacish. Waxaa lagu hayay Magaalada Mosul ee Waqooyiga Ciraaq ku taala.

Ra’isal Wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu, ayaa Sabtida Maanta sheegay in La haysteyaashii si nabad galyo ah loo keenay magaalada Koonfurta Turkiga ku taala ee Sanliurfa.waxaana lagu wareejiyay Sirdoonka Turkiga.

Dawladda Turkiga oo dadkeeda u qafaalan Daacish u habranaysa ayaan ka qayb qaadan Ololaha Maraykanku wado ee ka hortaga Sunniyiinta Daacish. Waxay kooxda Daacish hore u dishay Saddex Nin oo laba Maraykan tahay ka kalena Ingiriis, iyagoo qaar kalena ku hanjabay inay dilayaan.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment