Dawlada Tajikistan ayaa go’aan ku gaadhay in goobaha cibaadada loo diido ama laga mamnuuco caruurta iyo dadka dawarsada, waxaanu go’aankaasi ka dhashay qaraar labada gole baarlamaan ee dalkaasi gaadheen dhawaan. Go’aankan ayaa aabayaasha caruurtooda aan ogolaanshaha haysan keena masaajiddada iyo goobaha kale ee cibaadada ka dhigaya danbiilayaal, waxaanu ku waajibinayaa in la xidhi karo. Haddaba markii uu soo baxay go’aankaasi waxa si wayn uga cadhooday dadka dalkaas ku dhaqan oo 98% Muslimiin ah.
Dalka Tajikistan oo sanadkii 1992-kii ka xoroobay Midowgii soofiyeeti ee burburay waxa tan iyo xiligaas xilka dalkaa hayay madaxweyne Imaam Cali Raxma-noof, waxaanu madaxweynahani cabsi wayn ka qabaa in dhibaato xag jirnimo ahii kaga soo fido dhinaca dalka ay dariska yihiin wadankaas ee Afghanistan oo la wadaaga dalkaas xuduud dherararkeedu dhan yahay 1340-km.
Madaxweyne Emomalii Rahmon waxa uu dalkaas marar badan ku soo rogay sharciyo iyo xeerar muran dhaliyay, waxaanay kan ugu danbeeyay ee caruurta lagaga mamnuucayo masaajidada ay ku tilmaameen muslimiinta dalkaasi inuu yahay mid madaxweynaha ka soo fulay ujeedadiisuna tahay sidii dadka da’yarta ah ee dalkaas bilaa diin looga dhigi lahaa.
Dhinaca kale masiixiyiinta dalkaas ku dhaqan ee laga tiradda badan yahay ayaa iyaguna dhinacooda ka muujiyay sida ay uga xun yihiin talaabadan iyo go’aankan xukuumadu dadka da’da yar kaga mamnuucayso goobaha cibaadada. Waxa kale oo goobaha cibaadada laga mamnuucay dadka dawarsada oo la sheegay inay dhibaato ku hayaan goobahaa cibadaada gaar ahaan masaajidada oo xiliyada salaada ay ka dhex kacaan. Dalka Tajikistan waxa ka jira nidaam aad u adag oo uu adeegsado Emomalii Rahmon madaxweyanaha dalkaasi waxaanay mucaaridka wadaanku ku eedeeyaan inuu yahay madaxweyne si wayn u jideeyay digtaatoornimo wayn.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment