Saturday, September 20, 2014

Milicsiga Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-kii. Q. 2aad. -W/Q: Cali Cabdi Coomay

Hordhac: Bilowgii Dagaalkii 1977-kii
Badhtamihii 1977-kii dagaalku wuxuu u jihaystay mid ciidamada milateriga caadiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo kan Itoobiya u bilowda. Milateriga Itoobiya waxay istiraatijiyad ka dhigteen inay nafteed hurinnimo sameeyaan inta ay ka helayaan gurmad saaxiibadooda caalamka ah. Waxay qiyaaseen in ciidamada Soomaaliya ay laba aag ka soo weerari karaan, in kasta oo aanay sheegi karin inay soo marayaan dhinaca waqooyi ama koonfureed ee Soomaaliya. Waxay go’aansadeen inay ciidankooda ugu muhiimsan isugu geeyaan aagga Jigjiga.

Waxay sidaas u yeeleen maadaama magaaladaasi ku taallo meelo waddooyinka magaalooyinku isaga yimaadaan, ahna goob istiraatiji u ah magaalooyinka waawayn ee Bariga Itoobiya.Dhinaca kale, Soomaalida laftigeedu waxay arkayeen isla muhiimadaas ay Jigjiga leedahay.Balse waxay markii hore qabsadeen gobollada bariga iyo koonfurta Soomaali-galbeed, ay ku jirto saldhigga wayn ee Godey .Haddaba ciidamadii Itoobiya ee dagaalkii 1977-kii waxay noqdeen kuwa cagta la mariyo oo aan hakan ilaa Dire-Dawa.Dagaalkii wuxuu si dhaqso ah isugu soo ururay saddex-geesoodka Dire-Dawa—Harar—Jigjiga.Waxay Itoobiyaanku ku dadaalayeen inay difaacaan meelahaas, wixii ay awood lahaayeena isugu geeyeen, maadaama xaruntooda kaydka ciidan iyo saanad ay ahayd Dire-Dawa, isla markaana ay maraysay waddada xadiidka tareenka ee ku xidha Jabuuti.Bartamihii Agoosto Ciidamada Soomaaliyeed waxay ku qaadeen dagaalkoodii qaybtii labaad ee xoogganaa magaalada Dire-Dawa.

Markiiba Soomaalidu waxay gudaha u galeen Magaalada, iyagoo taktiko milateri oo aan filayn Itoobiyaanku ku sameeyay, sababtoo ah waxay u malaynayeen in Soomaalidu qabsan doonto marka hore Jig-jiga.Dagaalka Dire-Dawa wuxuu ahaa mid aad culus oo faraha la iskula tagay, iyadoo Soomaalidu u awood sheegatay ciidamadii Itoobiya.Balse dhinaca cirka ayuu dagaalku isu rogay, iyadoo ciidamada cirka ee Itoobiya ay si aad ah uga qayb qaateen dagaalkaas.Ciidamada Cirka Soomaaliyeed waxay ku dagaalamayeen Diyaaradaha Ruushka ee MIG, halka Ciidamada Cirka Itoobiya ay ku dagaalamayeen diyaaradaha Maraykanka ee F5.

Waxaa awoodda cirka ku yeeshay Ciidamada Cirka Itoobiya, halkaas oo mooraalka ciidamada Itoobiya ku soo noolaaday, kan Soomaaliduna hoos ugu dhacay. Waxaa la yaab noqotay, sida ka muuqata taariikhda laga hayo dagaalka Dire-Dawa, in ciidamada Soomaalida oo si muquunis ah uga xoog roonaaday kuwa Itoobiya muddo kooban in haddana aysan isticmaalin awood intii loo baahnaa oo ay haysteen, si ay cagta u mariyaan difaaca Itoobiyaanka, oo aanay siin fursad ay isku abaabulaan.

Soomaalidu ma isticmaalin awood intii loo baahnaa, waxaana aad u liitay isku-xidhka qaybaha kala duwan ee ciidanka milateriga Soomaaliyeed ee ka dagaalamayay aagga Dire-Dawa, sida ciidanka lugta, ciidanka taankiga iyo ciidanka cirka.Intaa waxaa dheer markii Itoobiyaanku dib isku soo abaabuleen oo arrintu qadhaadhaatay, dagaalkuna aad u xumaaday, ciidamada Soomaaliyeed ma helin gurmad deg-deg ah, halkaasna waxay ku lumiyeen awooddii milateri ee Dire-Dawa.
Dagaalka qaybtiisii saddexaad waxay Soomaalidu markan ku fureen Jigjiga, dhammaadkii Agoosto, in kasta oo ay hore u qabsadeen dhulka u dhow oo idil. Arrintan taktikada dagaal ee dib loogu dhigay qabsashada Jigjiga, loogana hormariyay Dire-Dawa oo gudaha uga sii jirta dhinaca Addis Ababa, may helin xog ii sababaysa. Dib u dhigiddani iyo jabkii ciidamada Soomaaliyeed ee Dire-Dawa wuxuu fursad aad u wayn siiyay ciidamada Itoobiya oo markii hore naf lacaari ahaa.

Dagaalka Jigjiga wuxuu qaatay wakhti ka dheer dagaalladii kale, iyadoo laba jeer la kala qabsaday, kaasoo gaadhay ilaa bartamihii Sebteember halkaas oo ciidamadii Soomaaliyeed u xoog sheegteen kuwii Itoobiya, iyadoo Ciidamadii Itoobiya u gurteen dhinaca Kaaramadha, halkaas oo laga sii saaray. Markii dharbaaxadaas culus ku dhacday difaacii ugu adkaa ciidamada Itoobiya ayaa Mengistu Xayle Maryam, hoggaamiyihii Itoobiya, go’aansaday inuu tago furinta dagaalka si uu u dhiso mooraalka ciidanka, ugana qayb qaato abaabulka iyo dib u celinta ciidamada soo cararay. Wuxuu tagay Harar, balse markii uu arkay in dagaalku ku soo siqayo ayuu ku laabtay Addis Ababa, si uu ugu qaylo dhaansado saaxiibadiis waddamada caalamka.

Ciidamadii Soomaaliyeed waxay ka gubeen ciidamada Itoobiya gaadiid ciidan aad u fara badan, iyagoo ka qabsaday taankiyo iyo baabuurta kale ee dagaalka. Halkaas ayaa guushii ugu waynayd ee dagaalka ku raacday ciidamadii Soomaaliyeed iyagoo ka talinayay dhulka Soomaali-Galbeed muddo dhawr bilood ah. Dagaalku markan wuxuu u jihaystay dhinaca Addis Ababa, halkaas oo Itoobiyaanku isugu geeyeen waddooyinka soo gala dhammaan wixii awood ay lahaayeen.Waxay difaacooda ku xoojiyeen labada waddo ee waawayn ee Hawaash ilaa Casab iyo Hawaash ilaa Harar.Dagaalku wuxuu si xoog leh ugu fiday aagaga Harar, Dire-Dawa ilaa waddada gasha Hawaash.
Qallinkii
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
Colaadihii Geeska………… Cali Cabdi Coomay
La soco………………………..

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment