Haweenay suxufiyad ah oo u dhalatay dalka Britain ayaa ku guulaysatay inay badbaadiso wiil yar oo ku dhex jiray guri dab qabsaday. Qisada badbaadinta wiilkan yar oo ka dhacday dalka Ingiriiska ayaa ahayd mid xiiso badan isla markaana halis badani ku gadaanayd. Tottenham, oo ku taala bariga magaaladda London ayay maraysay Nazar Meles oo ah suxufiyad ka hawl gasha idaacadda BBC-da laanteeda dibadaha la hadasha, waxaanay ku soo baxday oo ay indhaha ka qaaday haweenay cid u gargaarta raadinaysa, aadna u qalinaysa. Markii ay gaadhigeeda joojisay ayay aragtay meel aan sidaa waxba uga fogayn haweenaydaa oo dab iyo holac ka baxayo. Nazar Meles sida ay jariirada Daily Mail u sheegtay laga bilaabo saacadaas waxay dareentay in dhibaato culusi haysato haweenaydaas, waxaanay su’aashay in cidi ku jirto guriga, hasa yeeshee haweenayda oo argagaxsanayd may siin jawaab buuxda, waxa kaliya ee ay ku dhawaaqaysayna wuxuu ahaa Ilmahaygii, ilmahaygii. Markii ay xaaladu u warantay ayay isku qaaday inay dhex qaado oo fooda u dhigato holaca iyo uurada dabkii qabsaday guriga ka dibna waxay awooday inay gaadho mid ka mid ah makhsinadii guriga oo uu ku dhex jiray wiil yar oo haweenaydii qaylo dhaanka ahayd dhashay kaas oo da’diisu ahayd laba jir, waxa ay ku guulaysatay inay ka soo saarto dabkii iyo holacii ilmihii yaraa oo bad qaba, ka dibna waxay la soo dhex jibaaxday holac aad u kacaya. Run ahaantii haddii aanay sidaa yeeli lahayn Nazar Melesa waxa dhici lahayd inuu wiilkaas yari ku bas beelo dabkaas. Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa goobta yimi xili dabkii hurusheeyay guriga. Dhamaan warbaahinta kala duwan ee dalka Britain ayaa si wayn ugu hambalyaysay dedaalkaas ay ku talaabsatay gabadhaa suxufiyada ahii. Waxa ay badbaadisay nolosha wiilkaas yar waxay samir u yeelatay inay dedaalkan gasho iyadoo daalan oo shaqo ka soo rawaxday waxaa sidaa yidhi mid ka mid ah duqayda saxaafada ee dalka Britain oo ammaan u jeedinayay suxufiyadan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment