Saturday, September 20, 2014

Dawarsade Lacagta la siiyo ku Bixiya Jaamacad ay dhigtaan Saddex Caruur ah oo Uu Dhalay

Saxafi u dhashay dalka Shiinaha ayaa soo bandhigay sawiro layaab badan oo muujinaya oday waayeel ah oo meel hoose oo dhulka ah kasoo faqaya lacago isku urursan oo uu ka dawarsaday gudaha magaalada Bijiin ee caasimadda dalkaas, taas oo ugu talo galay inuu waxbarashada kaga bixiyo saddex caruur ah oo uu dhalay oo wax ka barta mid ka mida gobalada dalkaas.
Odaygan waayeelka ah oo da'diisu hada marayso 70 jir ayaa markii la waraystay waxa uu sheegay in lacagaha uu dawarsiga ku helo iyo wixii kale ee shaqo hoosaadkiisa kasoo gala uu dhigo meel uu ugu talo galay oo gurigiisa ka mid ah isaga oo bishii ka sameeya lacag gaadhaysa ilaa 10-kun oo Yuan oo ah lacagta wadanka Shiinaha una dhiganta 1,628 Dollar, taas oo uu ku bixiyo waxbarashada saddex caruur ah oo uu dhalay oo ku sugan Jaamacad ku taala deegaan ka fog oo ka mid ah isla dalka china.
Odaygan ayaa sheegay in tan iyo mudadii caruurtiisu bilawday waxbarashada jaamicada oo lacag badan lagu dhigto uu go'aansaday inuu isagu bixiyo waxbarashadooda maadaama oo aanay jirin cid kale oo ka kaafisa, sidaas awgeedna ay ku kaliftay inuu shaaricyada waaweyn ee magaalada fadhiisto isaga oo ku shaqaysanaya hab dawarsi ah, kadibna lacagtaas uu ururiyo u diro caruurta uu dhalay.
Sida ay qortay mareegta The Chanjis, odaygan waayeelka ah ayaa lacagaha ku soo gala habka dawarsiga ee caruurtiisa uu u waxbarashada kaga bixiyo lagu qiyaasay in mararka qaar ay gaadho inta u dhaxaysa 10 ilaa 20 Kun oo Yuan, waxaana dhamaan lacagahaas uu u gudbiyaa caruurta uu dhalay ee saddexda ah kuwaas oo ku kaafiya waxbarashadooda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment