
Wasiirrada Gaashaan-dhigga iyo Kheryaadka Badda Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Jaamac Buureed oo labadoodu u dhashay deegaannada gobolka Badhan, ayaa aragtiyo iska soo horjeeda ka bixiyey ujeeddadii loo qabtay shirkaas. Wasiirka Gaashaan-dhigga ayaa shirkaas ku tilmaamay mid nabadeed oo beeshu aayaheeda kaga tashanayso, halka wasiir Kheyraadka Baddu uu shirkaas ku tilmaamay mid qadiyaddda madax-bannaanida Somaliland liddi ku ah.
Haddaba, Cabdilaahi Maxamuud Suldaan oo sidoo kale ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye isla markaana dhowaan ka soo laabtay socdaal uu Wasiirka Gaashaan-dhigga Axmed Xaaji Cali Cadami ku tagay deegaannada gobolka Badhan, ayaa ujeeddada shirkaas loo qabtay ka madax-bannaanaa arrimo arrimo siyaasaddeeda.
Cabdilaahi Maxamuud Suldaan uu adeer yahay Suldaan Guud ee Beelaha Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, waxa kale oo uu ka hadlay mowqifka uu Somaliland ka qabo Suldaanka oo isagu qaban-qaabiyey shir-beeleedka ku qabsoomay deegaanka Xiingalool.
Ugu horeyn isaga oo ka hadlayey ujeeddada shirkaas, waxa uu yidhi, “Shirku si wanaagsan oo qunyar-socod ah ayuu ku socday, maanu rabin in dhibaato la abuuro hadda qolada qurbejoogta ha noqoto ama cid kale ha noqoto, wax dhibaato ah iyo iska horimaad ahi mandaqadda gelin ayaanu rabnay, tallaabooyinkaas oo dhanna waa lagu guulaystay, wax dhibaato ah shirkaasi Somaliland ama Cid kale u keenay ma jirto, markii hore ayaana siyaasadda laga madhxiyey, wuxuu ahaa shir dhaqan oo beeli qabsatay. Hadduu shir-siyaasadeed ahaan lahaa, intaa uu ka mug weynaan lahaa oo wuu ka khatarsanaan lahaa, siyaasiyiinta oo dhan iyo garabyada ku hirdamaya ayaa iman lahaa, qurbjejoogtii xataa way baaqatay.”
“Markaa, reer muddo badan kala maqnaa oo isu soo hilloobay ayuu ahaa, guddiyada la saaray ayaana laga garan karaa. Waxa la saaray guddiga horumarinta, guddiga turxaan-bixinta iyo guddiga deegaanka, saddexdaas guddi ayaa la saaray. Guddi siyaasadeed oo la yidhi yeynu wax la qaybsanaa iyo sideynu cid u carqaladaynaa iyo sideynu cid u raacnaa, midna may jirin,” ayuu yidhi Cabdilaahi Maxamuud Suldaan oo xalay nagu soo booqday xarunta Guud ee Wargeyska Himilo ku leeyahay magaalada Hargeya.
“Dadkani muddey kala maqnaayeen, waxayna ku kala maqnaayeen khilaaf dhexdooda ah; qaar Isimo (madax-dhaqameed) samaystay ha noqdaan ama qaar Cuqaal isku hayey ha noqdaan, beelaha dhexdooda ayaa lagu heshiisiinayey. Inta badanna waxay qaadatay sidii beeluhu isugu iman lahaayeen inta maqanna sidii loo dooni lahaa, intanna loo soo ururin lahaa, isla markaasna u raaci lahaayeen oo u taageeri lahaayeen mowqifkooda wanaagsan oo ah nabadda iyo ilbaxnimada ay mar walba taariikhda dheer ku leeyihiin ee ay dadka kula nool yihiin. Markaa sida dadka qaar u buun-buuninayaan ee loo leeyahay siyaasad buu u shaqo lahaa ma ahayn.”
Siyaasi Cabdilaahi Maxamuud Suldaan oo wariyaha Himilo weydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa maadaama uu ka tirsan yahay qoyska Saldanadda beesha Warsangeli, Suldaanka Guud ee beeshaas Suldaan Siciid oo shirkaas gadhwadeen ka ahaa aanu wax wada-shaqayn ah la ahayn Somaliland, in shirkaasi ahaa mid ka dhan ah Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Maaha, taasi waa dhalleecayn. Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan abaalweyn ayay Somaliland ku leedahay, isaguna abaalweyn ayuu Somaliland ku leeyahay. Ciidamada aanu soo aragnay ee jooga qaramayntooda qayb laxaad leh ayuu ka qaatay, wuuna yimi, markii u horeysay ee uu Somaliland yimina maaha, markii u dambaysayna noqon mayso, waana nin Suldaan ah oo magac ku leh lagana yaqaano Somaliland. Meel fagaare ah iyo meel kale oo uu kaga ololeeyey in aanay jirin qadiyadda Somaliland ma jirto, waayo in badan waa kii yimi ee lagu soo dhaweeyey. Waxaanse la yaabbanahay, berrito haddii uu Suldaan Siciid yimaaddo Hargeysa oo xukuumadda Somaliland ay casuunto, qofka leh Somaliland maaha Suldaanku, wuxuu odhan doono!” Sidaas ayuu yidhi Cabdilaahi Maxamuud Suldaan.
Cabdilaahi Maxamuud oo la weydiiyey cidda uu ula jeedo hadalkiisa ee cambaareysay Suldaanka, waxa uu ku yidhi, “Cid kasta oo ujeeddo ama dan ka wadata, ciddey doonto ha noqotee, inay dhalleecayso qof aan geyin. Suldaankuna waa suldaan shacabkiisa ku hoggaamiya nabad iyo xaddaarad, Somaliland-na wax badan u qabtay.”
Waxa kale oo uu sharraxaad ka bixiyey natiijada socdaal uu ku wehelinayey wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaan-dhigga oo gaadhay deegaannada Badhan oo ay mashaariic horumarineed ka fuliyeen, waxa uu yidhi, “Shacabkii markaanu dhexmarnayna caadi buu ahaa wax dhibaato ahi ma jirin, way na soo dhaweeyeen, meel walbana ciidanka Qaranka, ayaa joogay. Deegaanka Xiingalool, Damalo-xagare, Carmale, Badhan, Ceel-buh, ciidamadii Qaranka iyo dadkii reer Somaliland ayaa joogay, farriimayna na soo fareen ku saabsan tabashadooda iyo siday wax u arkaan, meel nalagu yidhi Somaliland ma rabno, annagu maanaan arag, warbixintayadiina waxaanu u gudbinnay xukuumadda.”
“Waxa dadka aad u soo jiitay Ceelka Riigga ah ee aanu ka furnay degmada Badhan, kaas oo aanu markii hore kula talinay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, xukuumadduna jeebkeeda ka bixisay iyadoon deeq dibadeed cidi ka bixin, taasna shacabku aadbay u hambalyeeyeen,” ayuu yidhi Cabdilaahi Maxamuud Suldaan.
No comments:
Post a Comment