Saturday, September 20, 2014

“Waxa weeye nimankani saraakiil bay ahaayeen, “Wallaahi Tuugana sidaas looma aaso, sida loo aasay” waxay ahayd in aas militeri loo sameeyo oo calanka lagu……”Xildh. Bashiir Tukaale

Hargeysa:Sep,20,2014(Himilo)-Xildhibaan Bashiir Tukaale oo katirsan Golaha wakiillada Somaliland, kana soo jeeda Gobolka Gabiley, ayaa si kulul uga Hadlay shaqaaqadii shalay ka dhacday Deegaannada gabiley iyo Qorilugud oo dhimasho iyo dhaawac ka dhasheen.

bashiir tukaaleXildhibaanka oo maanta saxaafadda la Hadlay, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay sidii xukuumaddu u maaraysay Dilkii saraakiisha ciidanka qaranka loogu geystay Degmada         Qorilugud, waxana uu ku tilmaamay tallaabo dadka kala fogaysay.

Xildhibaanka ayaa tacsida uu dadkii dhintay u diray kadib saluug ka muujiyey hannaankii loo aasay saraakiishii gacanku-dhiigluhu ku dilay Deegaanka Qorilugud, waxana uu xusay in loo aasay meeqaam liita oo aanay gein, “Waxan tacsi u dirayaa saraakiisha Qorilugud ku geeriyootay iyo dadkii kale ee shalay ciidanka RRU-du ku laayeen Magaalada Gabiley, waxa gadoodka keenayna waxa weeye saraakiishii jiidaas joogay ee sida xun ee mu’aamaradda ah loo sameeyey, ayaa waxa uu noqday “Wallaahi Tuugana sidaas looma aaso, sida loo aasay” waxa weeye nimankani saraakiil bay ahaayeen, waxay ahayd in aas militeri loo sameeyo oo calanka lagu duugo, salaantana la siiyo oo si lawada ogyahay oo la dareensan yahay loo aaso bay ahayd, Taliyaha ciidankuna muu soo hadal qaadin oo muu tacsiyeynin oo muu odhan waanu soo qabanaynaa ninkii falka Geystay.” Ayuu yidhi Bashiir Tukaale.

Xildhibaan Bashiir ayaa mar uu ka Hadlayey Mudaharaadkii dhimashada iyo dhaawaca keenay eek a dhacay Gabiley sheegay in ciidanka RRU-du si ula kac ah dadka u beegsadeen, isagoo tilmaamay inaan ujeedada dadku ahayn mid nabadda ka dhan ah, waxana uu mudaharaadkaas ku tilmaamay mid shacabka reer Gabiley xaq u lahaayeen,

 

“Dadku way mudaharaadeen oo si nabadgelyo ah ayey u marayeen Waddadaas weyn, ciidanbaa markiiba laga horgeeyey RRU la yidhaahdo, rasaas iyo ciidanna waxba ma taraan dadku marka ay kacaan, ciidankan iyo xabaddan dadka loo adeegsanayo hallaga daayo, waa Hadii dee caqligu shaqaynayo, laakiin Haddii waqtigu ka dhamaaday oo aan Caqli jirin sidaasay ku wadayaan”

Waxa uu bashir tukaale sheegay in dhacdadii shalay ahayd mid midaysay shacabka reer Gabiley, waxana uu shacanka u soo jeediyey inay nabadda ilaashadaan, waxana uu yidhi,

“Gabiley arrintan waa isku wada raacday waana Alxamdulilaah maanta Gabiley oo mid ah oo maanta arrintaas lagu sameeyey ku didawday, nabadgelyadiinana ilaashada baan leeyahay. Waxana aan arkayaa maamulkani sidii uu dalka u yimi arrimaha ay ku soconayaan maaha qaar dalka u dan ah, marka ay tallaabo qaadaanba waxad arkaysaa Somaliland oo dhaawac soo gaadhay.”

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment