
Saraakiisha ciidanka katirsan oo doonidan gacanta ku dhigay, ayaa sheegay in daroogadan lagu qariyey meel hoose oo doonta kamid ah, waxana loogu talogalay inaan cidina arkin.
Daroogan oo magaceeda lagu sheegay Xajmigeeda Cannicas, waxana la sheegay inay tahay daroogooyinka dunida ugu qaalisan ee sida joogtada ah loo jecel yahay.
Wali waxa la garan la’yahay meesha daroogadan laga keenay, waxana lagu muransan yahay inay Gudaha Somalia ka baxday iyo in loo soo dhoofiyey si Goobo kale loogu sii Gudbiyo.
Wararka qaarkood ayaa sheegay in kooxaha maafiyada ah ee daroogooyinka ka ganacsadaa qaab qarsoodi ah dalka kusoo geliyeen, isla-markaana ay qaab hoose ugu sii gudbinayaan goobo gaar ah ay ku Iibiyaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment