Saturday, September 20, 2014

Haweenay 16 Sanno ka dib Markii u horeysay ku Curatay Shan Carruur ah oo Mataano ah

Haweenay u dhalatay dalka pakistan ayaa muddo 16sano kadib oo ay aad u jecleyd inay aragto ubad ay dhashay, ayaa waxay ku curatay shan caruur ah oo ka kooban 4 gabdhood iyo hal wiil, arrintan ayaa waxay ka dhacday magaalada karachi ee dalka Pakistan.
Sahir Khan oo ah Aabaha carruurta mataanaha ah oo xaaskiisa ay is-qabeen muddo ka badan 16 sano oo aanay wax ubad ah Isku dhalin isla markaana isaga oo maqan loogu bushaareeyey mataanaha Shanta ah ee Ebbe ugu deeqay, ayaa ka hadlay dareenkiisa.
“Ma jirto mar ay iiga farxad badan tahay, qof walba wuu dareemi karaa farxada ay leedahay 16 sano dabadood in markii ugu horeyay aad caruur tiradaas le’eg aabo u noqoto mar kaliya.”
Mr Khan waxa uu sheegay in muddo dheer oo ay isqabeen xaaskiisa ay mareen tijaabooyin badan oo caafimaad si ay u hubiyaan xaalada ilmo la'aaneed ee haysatay, waxaana uu sheegay in dhakhaatiirtu u sheegtay in aanu jirin wax dhib ah oo ka hortaagan dhalmada iyo inay ubad helaan.
Dhakhaatiirta cusbitaalka ay haweenaydan ku umushay ku sugan ayaa sheegay in xaalada hooyadu wanaagsan tahay, waxaanay sheegeen in mid ka mid ah shanta caruurta ah uu dhintay markii uu muddo yar ifka joogay laakiin ay badqabaan afarta kale ee mataanaha ahi, waxaanay sheegeen in muddo lagu dhakhtarin doono cusbitaalka.
Warbixin ay soo saartay wasaarada caafimaadka ee dalka Pakistan ayaa lagu sheegay in bishan gudaheeda ay waddankaas ka dhasheen carruur mataano ah oo tiro badan oo ay ugu danbaysay haweenayda shanta caruur ee mataanaha ahi ku dhasheen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment