Sunday, September 21, 2014

Gacan-ku-dhiigle fal-dambiyeed noociisu ugub yahay geystay oo go’aan ka gaadhista Kiiskiisu dhextaallo Somaliland iyo Itoobiya

Si uu isku daweeyo, ayuu Qudha ka jaray Afar hablood UGUB ah,
Boorama, 21 Sept, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanta gobolka Awdal oo dhawaan xukunno dil iyo xadhig ah ku fuliyey gacan-ku-dhiiglayaal iyo dambiileyaal loo haystay falal qudh-gooyo iyo kufsi isugu jira, ayaa ka warbixiyey go’aanka ay ka qaateen gacan-ku-dhiigle kiiskiisu ka dhexeeyo laba dawladood oo falal dil ah ka geystay dalalka Somaliland iyo Itoobiya.
HARGEYSAGuddoomiyaha Maxkamadda racfaanta Awdal oo dhowaan hawl-shaqo ku tagay gobolka Salal oo maxkamaddu xukunno kala duwan ku ridday laba maxbuus oo laga qaaday gobolka Awdal, waxa uu ka sheekeeyey kiisas loo haysto gacan-ku-dhiigle u dhashay dalka Itoobiya oo siyaabo kala duwan u khaarajigayey Afar haween.
Waxa uu sheegay in dhagax-qabahan oo hadda ku xidhan xabsiga magaalada Boorama isla markaana ay dadka ku shaqaysta Sixirka uu kiiskiisu ka dhexeeyo dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.
“Maxbuuska koowaad afar hablood oo ugub ah ayuu qudha ka jaray, waa dadkan faalku wax u sheego ee la yidhaahdo waad ku bogsanaysaa haddaad intaas oo qof dishid. Saddex wuxuu ka fuliyey dhulka Ciisuhu deggen yahay ee Itoobiya, isaguna halkaasuu ka soo jeedaa, ta afraadna wuxuu ka fuliyey Somaliland.
Saddexdii uu xaggaas Itoobiya ka soo fuliyey, waxaanu maqallay laba nin oo midna ay walaalo yihiin midna ay ilmaadeer yihiin in loo dilay oo Xeer Ciise lagu qaaday, markaa taasi xaggaa way ka dhammaatay, in kasta oo la sheegay in dawladda Itoobiya meeshii timi oo dadkaa Maxkamadda samaystay Jeelka laga buuxiyey,” ayuu yidhi Guddoomiyaha oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiikiisa Boorama.
Isaga oo hadalkiis sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Hadda ta taagani waxay ahayd gabadhaas uu gudaha Somaliland ku dilay, maxbuuskaas isaga waanu ka tagnay maadaama laba dawladood dhexdood uu ku jiro. Waxaanu go’aansannay inaanu soo waraysanno deegaankii Xaggaas Itoobiya, masuuliyiintii iyo booliskii soo qabtay.
Markaa waxaanu qaadnay Maxbuus nin ku dilay Lawyacaddo, isaga dilbaa lagu xukumay iyo maxbuus u xidhnaa Kufsi ka dhacay Lawyacaddo.”
Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Awdal waxa uu ka deyriyey xaaladda adeegyada hay’adaha sharciga iyo ammaanka ee gobolka Salal, isaga oo sheegay inaanay gobolkaas ka jirin dhismayaal loogu talo-galay maxaabiista iyo Maxkamado lagu qaado dacwadaha eedaysanayaasha fal-dambiyeedyada loo haysto.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment