Tuesday, August 18, 2015

“Waa in Dastuurka La Furaa.. Tirada Kuraasta Wakiiladana La Kordhiyaa…. Dalkana Laba Madaxwayne Ku Xigeen Loo Sameeyaa”Guddomiye Ku Xigeed 1aad Ee Golaha Wakiilada.

Hargeysa 18 August 2015(Himilo)-Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa ku taliyay in xeerar kamid ah dastuurka la furo si loo soo afjaro saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee gobolada qaar saluuga ka muujiyeen.
Mudane Baashe Maxamed Faarax waxaa uu soo jeediyay in la kordhiyo kuraasta golaha wakiilada dalkana loo sameeyo laba madaxwayne Ku Xigeen.
“Anigu waxaan soo jeedin lahaa in dastuurka la furo, ilaa laba sadex qodob wax laga badalo, Furidiisana sadexda gole ku heshiiyaan, labada gole 2/3, markaa waxaan soo jeedinayaa in tirada xildhibaanada la kordhiyo, laba madaxwayne ku xigeen in dalka lii sameeyo, Qodobka 3aad ee marwalba doorashada dib u ridana kaasna waa in la badalo.”Ayuu Yidhi Baashe Maxamed Faarax.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada waxaa uu sidoo kale ka hadlay wufuuda iskadaba imanaysa Buuhoodle isagoo sheegay in magaalada buuhoodle aanu maamul ka jirin isla markaana masuuliyada nabad galyada iyo maamulka magaalada waajib ka saaranyahay xukuumada.
“Buuhoodle waxay ka mid tahay Somaliland, hada wasiirbaa la diray xukuumadayna masuul ka saarantahay inay xuduudaha dalka isku hayso, Buuhoodle waa meel aanay maamul ka dhisnayn waxaa wada jooga dawlada badan, Qof kaliya oo tagaana waxba kama badali karo.”Ayuu Yidhi Guddomiye ku xigeenka golaha wakiiladu.
Baashe Maxamed Faarax waxaa uu soo dhaweeyay go’aankii maxkamada sare kaga garnaqday khilaafkii ay sababtay mudo kordhinta golaha guurtidu.
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment