Tuesday, August 18, 2015

Xogo tilmaamay in Xukuumada Somaliland oo joojisay wadaxaajood ay hore ugu baaqday inay la furay Cali Khaliif Galaydh iyo Sababaha keenay

 

“Adeerow iga raali ahow…” Cali Khaliif Galaydh

Hargeysa 18 August, 2015 (Himilo)- Xukuumada Somaliland ayaa la sheegayaa inay ka laabatay wadaxaajood hore ay u shaacisay inay la yeelan doonaan horjoogaha kooxda Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ka dib markii ay ku doodeen inuu ka baxay ballankaa.
Sida ay sheegayaan xogo wargeyska Himilo helay, Cali Khaliif ayaa keenay magaalada Buuhoodle diyaarado aan la garanayn waxa ay sidaan, balse ay ku jiraan direys ciidan oo gaadhan ilaa laba kun oo Xabbo, kuwaas oo laga soo qaaday magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Baashe maxamed Faarax oo hore u shaaciyey in xukuumadda Somaliland wada-xaajood la furayso Cali Khaliif Galeydh, ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay dabada ka riixayso qorsheyaal Cali Khaliif damacsan yahay inuu fadqalalo kaga abuuro deegaanka Buuhoodle, xukuumada Somaliland si dhow ula socoto, isla markaana ka hortegi doonto isku dey kastoo uu ku doonayo inuu xasilooni daro kaga abuuro, sidaas awgeedna ay xukuumaddu joojisay wada-xaajood ay la furi lahayd Cali Khaliif, sida wargeyska Himilo ku helay warar ka ag-dhow Guddoomiye Baashe.
Guddoomiye Baashe oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiinno wararka, ayaanay noo suurta-galin inaanu khadka telefoonka ku helo, kaddib markii uu qaban waayey telefonkiisa gacanta oo aanu tirabada dhowr jeer ka wacnay.
Dhinaca kale, wargeyska Himilo oo isku deyey inuu dhinaciisa wax ka weydiino siduu u arko wadaxaajood hore xukuumada Somaliland ay sheegtay inay ula furi doonto horjooge, ayaa ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo, waxaanu si kooban u yidhi “Adeerow iga raali ahow.”
Warar laga helay dad ku dhowdhow Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegaya in gogoshii wadaxaajoodka Somaliland hore ugu baaqday uu ku gacansaydhay inuu ka qeybgalo Garaadka Beeshiisa ah
Sidoo kale, Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa farsamo xumo ku eedeeyay horjoogaha kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh. Waxa uu la yaab ku tilmaamay in ninkaasi Muqdisho ka yimaado oo dagaal ka dhan ah Somaliland kaga baaqo Buuhoodle.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment