Wednesday, August 19, 2015

Qaxootiga Yemen ee ku sugan Hargeysa oo Wargeyska Himilo ku bogaadiyey baahinta Dhibaatooyin haystay oo ay natiijadeeda heleen

Hargeysa, 19 August, 2015 (Himilo)- Qaxootiga Yemen ee ku sugan caasimadda Hargeysa, ayaa sheegay in hay’adaha Qaramadda Midoobay ka soo jawaabeen cabashooyin ay ka sheegteen Waxtarka iyo taakulada hay’adda UN-ka ee Hargeysa ku sugan, isla markaana qoysaskii ugu horeeyeyna shalay u loo bilaabay Kharash masaariif ku filan muddo toddobaad ah.
Wargeyska Himilo ayaa tiraba dhowr jeer baahiyey warar la xidhiidha tacaddiyo ay Qaxootiga Carabta ah ee Yemen ka sheegteen hay’adaha Qaramada Midoobay iyo shakhsiyaad ka tirsan hoggaanka jaaliyadda reer Yemen ee Somaliland deggen, wararkaas oo gaadhay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey cabashada dadka Qaxootiga ah oo Wargeyska daabacay.


Afhayeenka qaxootiga Yemen Mr. Nabiil Salem Tarshuum oo qoraal uu ku saxeexan yahay xalay soo gaadhsiiyey wargeyska Himilo, ayuu ku sheegay inay ka mahadcelinayaan talaabada hay’addaha CCBRS, UNHCR, Wasaarada Dib-u-Dejinta iyo Wasaarada Qorsheynta Qaranka dedaalka ay kaga jawaabeen baahiyaadkii bani’aadminimo ee haystay.


Mr. Tarshuum ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay gudoonsiinayaan shahaado aqoonsi dhamaan hay’adaha iyo wasaaradaha kor ku xusan jawaabta ay ka bixiyeen dhibaatadii baahsanayd ee haysatay qoysaska iyo dhalaanka qaxootiga Yemen.
Afhayeenka qaxootiga Yemen Mr. Tarshuum ayaa sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyey wargeyska Himilo iyo wakaaladda wararka Inner City Press kaalinta ay ka qaateen sidii codadkooda sare loogu maqli lahaa.


Qoraalka mahadcelinta qaxootiga Yemen ee ku sugan magaalada Hargeysa ayaa ku soo beegmaya xilli mudooyinkii u dambeeyey cabashooyin ay ka sheeganayeen hay’adaha gargaarku, kuwaas wargeyska Himilo iyo wakaalada wararka Inner City Press baahiyeen.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment