Hargeysa, 19 August, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shalay munaasibad qado-sharaf ah ku maamuusay safiirka cusub ee dalka Jabuuti dhawaan u soo magacawday Somaliland danjire Cumar Xuseen oo todobaadkii hore dalka soo gaadhay.
Munaasibadda oo ku qabsoontay Hotel Maansoor ee Hargeysa isla markaana ay ka qayb-galeen madax kala duwan, waxa ugu horeyn ka hadlay wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan.
“Xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada wadan ee Somaliland iyo Jabuuti waxuu marayaa heerkii ugu sareeyey, waxaana tusaale u ah safiirka loo soo magacaabay Somaliland oo ah nin hawlo badan ka soo qabtay dalka Jabuuti. Waan soo dhoweynayanaa safiirka cusub ee Jabuuti Mudane Xuseen Cumar Kawaaleye, wada shaqeyn cusubna waan yeelan doonaa, iyadoo hore labada wadan uga dhexeysay wada shaqeyn fiican, waxaan leeyahay walaalkay wa adalkaagii ku soo dhowow,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Xirsi.
Safiirka Jabuuti oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaan halkan hambalyo uga soo jeedinayaa wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali, walaalkay oo si sharaf, qadarin iyo kalgacalnimo ku jirto iigu casuumay manta (shalay) qado-sharaftan, sidoo kalena u mahadcelinaya adhamaan martida ka soo qeybgashay casuumadan.”
Wuxuu ka mahad-celiyey soo-dhawayn ay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu ku qaabileen Qasriga madaxtooyada Isniintii dorraad, waxaanu yidhi, “Mahad balaadhan ayaan ka celinayaa sidii qiimaha lahayd ee shalay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed M. Maxamuud Siilanyo iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan saylici ii qaabileen.”
Safiirka oo hadalkiisa sii watay, wuxuu yidhi, “Madaxweynayaasha labada wadan iyo marwooyinka labada wadan iyo labada shacab waa dad walaalo ah oon meelna kala tegayn, xidhiidh qoto dheerna ka dhexeeyo, waan wada socon doonaa, hadii ilaah yidhaahdo, isla markaana wada shaqeyn doonaa.”
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment