Moscow August 19, 2015(Himilo)-Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin ayaa fasaxiisa xagaaga dalxiis Ku tagay jasiirada Crimea oo sanadkii hore sheegtay inay ka go’day dalka Ukraine kuna biirtay dalka Ruushka.
Putin ayaa booqday qaybo kamid ah jasiirada Crimea isagoo sidoo kale raacay gujis yar oo bada quusa, isagoo dalxiis ku marayey xeebta jasiiradaasi, waxaana safarkiisa ku wehelinayey Raysal wasaaraha Ruushka iyo mas’uuliyiin sar sare.
Booqashada Putin ayaa kusoo beegantay xili maalmihii lasoo dhaafay ay markale bilowdeen dagaal u dhaxeeya xoogaga gooni u goosadka ah ee bariga Ukraine iyo ciidamada dowladaasi, dagaaladaasi oo ay dad ku dhinteen.
Hogaamiyaha Ruushka oo la weydiiyey sababta uu booqasho ugu yimid dhul la isku heysto xili ay weli taagan tahay xiisada Ukraine ayaa sheegay in Jasiirada Crimea ay iskeed uga go’aday Ukraine kana mid noqotay dalka Ruushka, arrintaasina ay tahay mid soo xidhantay, wuxuuna sheegay in shacabka Crimea ka codsadeen inuu soo booqdo.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment