Tuesday, August 18, 2015
Faysal Cali Waraabe oo si adag uga hadlay Xeerka doorashada Wakiillada, diidmada Is-xambaarka, dilalka dhulka, Ciidammada iyo Xaaladda Buuhoodle
“Weli dawlad adduunka tidhaahda Buurta iyo Toggaan leeyahay adduunka laguma arag, miyeynu dhaxal-tannay? Carruurta soo dhalanaysaa miyaanay dhulkan xaq ku lahayn? Waa kuwaas Yaryarkii la doortayna (Golayaasha Deegaanka) wax kale kama shaqeeyaan ee dhulkuun bay ka shaqeeyaan...”
“Askartan is-dilaysa ee Saraakiisha dilaysa xaq-darraa ka muuqata meesha, waxay Soomaalidu tidhaahdaa; ‘Rag Ciil Cadaab buu ka doortay’! Waa in la saaraa Guddo Madax-bannaan oo soo baadha…” Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe
Hargeysa, 18 August 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanay habboonayn illaa dibedda lagaga soo wadahadlo in Baarlamaanka la hor-geeyo Xeerka lagu soo dooran doono Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana haddii ay ka biyo-diideen Xidlhibaannada reer Awdal ee Golahaasi ay xaq u leeyihiin, aanay habboonayna in la faro-geliyo qodobkaas iyo in Shir-guddoonku iyadoo tabasho iyo heshiis la’aani ka taagan tahay Xeerkaas la hirgeliyo, waxaanu intaas ku ladhay inaan la aqbali doonin Xildhibaan dambe oo is-xambaar ku yimaadda Wakiillada.
Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay dhibaatada dhulka iyo is-dilka Ciidammada Qaranka ee soo badanaya labadii sano ee u dambeeyey, isla markaana waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in Guddi Madax-bannaan loo saaro arrintaas oo soo baadha waxa keenay in Askartu Saraakiishooda laayaan, isagoo xusay inay meesha caddaalad-darro ka muuqato. Faysal Cali Waraabe waxa uu dhalliilay nidaamka dawladaha hoose ee dhinaca dhulka oo caqabad wayn ku ah nabadgelyada iyo wada-jirka bulshada, Golayaasha deegaankuna shaqooyinkii ay bulshada u qaban lahaayeen kaga mashquuleen oo dhul uun ka shaqaystaan, waxaanu soo jeediyey in nidaam iyo sharci rasmi ah loo baahan yahay inay dawladdu u samayso.
Waxa kale oo uu Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Hambalyo u diray Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo uu sheegay inuu si waddaniyad iyo geesinnimo leh wax u fahansiiyey dadka deegaankiisa, Cali Khaliif oo uu ku tilmaamay aqoonyahan fashilmayna ka saaray Buuhoodle oo ay isugu tageen shalay markii uu dorraad Galaydh halkaas yimi ka dib.
“Horta waa nasiib-darro in nin weyn oo dhawr iyo todobaatan jir ah oo waliba tacliin sare oo heer Prof, ah sheeganaya inuu haddana umaddiisii dagaal ugu baaqo aad baan uga xumahay, waanan kala han weynaa arrintaasi, waxaanan u arkaa inay deel qaaf weyn tahay. Reer Buuhoodle uma baahna maanta dagaal ee horumar ayay u baahan yihiin, waxay u baahan yihiin waxbarasho, waxay u baahan yihiin caafimaad, dhaqaale ayay u baahan yihiin, markaa waxaan u arkaa inay Cali Khaliif sharaf darro u tahay, xagga Adduun iyo xag Aakhiro toona uguma fiicna.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Faysal Cali Waraabe oo shalay Saxaafadda qaarkeed kula hadlay Hargeysa, waxa uu intaas ku sii daray; “Dadka reer Buuhoodle waa dad caqli badan, dib u dhac weyn baa ku dhacay dhawr iyo labaatankaas sannadood ee Somaliland nabada ahayd oo degaannadii la midka ahaa horumarka gaadheen ee inkastoon wadanka la citiraafin haddana wixii loo gayn karayay loo geeyay, marka la barbar dhigo aad bay uga hooseeyaan, aduunkana dhaqaale iyo aqoon baa lagu tartami doonaa, markaa intuu maanta Xamar ka yimaado inuu dadkiisa wanaag ula iman lahaa uu yidhaa qoryaha qaata waa nasiib darro waxayna ku tahay ceeb.”
Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo su’aal laga weydiiyey Xeerka lagu soo dooran lahaa Golaha Wakiillada oo Golahaas hor-yaalla, isla markaana khilaaf abuuray oo ay ka biyo-diideen Mudanayaasha gobolka Awdal laga soo doortay iyo sida uu u arko, waxa uu ku jawaabay; “Arrintaasi in la geeyo may ahayn Kuraasida qaybtooda, 2005-tii baa la isku qabsaday, saluug weyn bay ka muujiyeen gobollada qaarkood, waxaan anigu ka mid ahaa dadkii qaybiyey, saddexda xisbi baannu ahayn, toddobaad baannu fadhinay, waxaannu ku qancinnay gobolladaas inay bahashu ku-meel-gaadh tahay oo doorkaas uun lagu galayo.”
“Markaa, may ahayn in qodobkaas la keeno hadda, waxay ahayd in dibedda lagu soo heshiiyey, oo wixii looga guuri lahaa la diyaar-gareeyo, wixii looga guuri lahaa haddii aan xilligan la isticmaali karin in dadka lagu qanciyo oo la yidhaahdo tanna meel bay innoo taal, tanna maanta aan ku guurno weeye, markaa dadka oo aan la qancin in la geeyo waxaan u arkaa inay dhibaato tahay. Markaa, xaq bay u leeyihiin hadday reer Awdal ka biyo-diideen, ballantaa caynkaas ahayd.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Faysal Cali Waraabe oo sii watay hadalkiisa waxa uu sheegay inuu marar badan ku baaqay in qodobkan iyo kuwo la mid ah Shir Wada-tashi Qaran ah laga yeesho, balse dheg loo dhigi waayey, welina ay taagan tahay. Waxa uu sidoo kale soo jeediyey Faysal inaanay Baarlamaanku faro-gelin qodobkaas illaa si sax ah la isula eego oo la qanciyo dadka tabashada qaba, lana cilmiyeeyo sida ay ku habboon tahay. Waxaanu yidhi; “Markaa, waxay ila tahay arrintaas inaanay Baarlamaanku faro-gelin, waayo ku heshiin maayaan. Maaha Shir-guddoonkuna inuu yidhaahdo innoo wada safarka hawhawda ha maqlinee, waa la dhagaystaa dadka, reer Awdal xaq bay u leeyihiin, reer Maroodi-jeex xaq bay u leeyihiin, gobol kastaa xaq buu u leeyahay, markaa hallaga doodo siday ku wacan tahay.”
Eng. Faysal waxa uu sheegay in aan is-xambaar dambe Mudanayaal lagu soo qaataa jiri doonin, waxaanu yidhi; “Arrinta I-sxambaarka waa in la joojiyaa, isxambaar dambe ma jiro. Raggan doonaya inaanay doorasho ka dhicin deegaankooda ee hawl-yaraanta ku yimi, ee iyagoo hawl-yaraan ku yimi maantana u gabgabwayn ee aad mooddo inay dalkaba doorashada ka hor-joogaan, waxaannu u sheegaynaa dadkii deegaannadaasi way tashadeen, runtii bay arkeen, qofku markuu wax diidayo waa inuu talada dibedda ka joogo maaha, way qaadanayaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, wacyigelin fiican baa loo samaynayaa, markaa waxaan leeyahay kuwii ku yimiyoow is-xambaar toban sano iyo dheeraad baad ku fadhidaan ee calafsada ma jiro is-xambaar dambe’e.” Faysal waxa uu sheegay Mudanayaasha deegaannada Bariga Somaliland ee Is-xambaarka lagu keenay Golaha Wakiillada ay ku jiraan Rag dhibaato badan iyo aflagaaddo ku haya Qaranka Somaliland oo uu xusay inay deegaannadooda colaado iyo nacaybka Somaliland ka huriyaan, qaybna ka yihiin qabsoomid la’aanta doorashooyinka Somaliland, inkasta oo aanu cid gaar ah magacaabin.
Guddoomiyaha UCID waxa uu ka hadlay laba qodob oo uu sheegay inay dhibaato xooggan dalka ku soo kordhiyeen oo ah is-dilka Ciidammada iyo dhibaatada dhulka, waxaanu yidhi; “Waxa innagu soo biiray laba qodob oo ah dhibaatooyinka dilka iyo dhibaatada dhulka, dhulka waxa weeye in la joojiyaa, dawladdu sharci soo saartaa, Baarlamaanku baas-gareeyaa, dhulka dawladda ayaa leh, dadku malaha, waa inay dawladdu dhulka la wareegtaa, qofkii Beer leh ee wax ka beerta marka nashqadda magaaladu gaadho dhirtaa loo qiimeeyaa. Laakiin, nin intuu dhirtii innaga jaray oo ood ka dhigtay oo dhul iska xayndaabtay, dawladda hoose siday iyagu dawlad yihiin nashqad u samaysay, oo yidhi waxaad leedahay 12 Baloog, boqol Baloodh, soddonna ay iyagu qaataan inta kalena dadka laga iibiyo waa xaaraan. Baarlamaanka markii la doortay khudbaddaan ka jeediyey waxaan idhi Sharci dhulka ah halla sameeyo, sharci haddaan la samayn waa in kii aynu Soomaaliya wada lahayn lagu dhaqmaa.”
Faysal Cali Waraabe oo dhalliilay nidaamka dawladdu u maamusho lahaanshaha dhulka iyo Golayaasha Deegaanka, waxa uu yidhi; “Laakiin, dawlad tidhi waxaan leeyahay Buurta iyo Togga, dhulka kale yaa siiyey dadka? Weli dawlad adduunka tidhaahda Buurta iyo Toggaan leeyahay adduunka laguma arag, miyeynu dhaxal-tannay? Carruurta soo dhalanaysaa miyaanay dhulkan xaq ku lahayn? Waxani waa dawlad-xumo, waa nadaam-xumo. Waa kuwaas Yaryarkii la doortay (Golayaasha Deegaanka) wax kale kama shaqeeyaan ee dhulkuun bay ka shaqeeyaan, Xashiish qaadi maayaan, dhirtii hagaajin maayaan, Laydhkii ammaanka samayn maayaan, wax kale oo ay qabanayaan ma jirto, markaa dalkani nidaam iyo shuruuc buu u baahan yahay.”
“Askartan is-dilaysa ee Saraakiisha dilaysa xaq-darraa ka muuqata meesha, waxay Soomaalidu tidhaahdaa; ‘Rag Ciil Cadaab buu ka doortay’! Waa in la saaraa Guddo Madax-bannaan oo soo baadha dilalkani waxay u dhacayaan, sababta Saraakiisha loolaynayo ee Askartoodu u dilayso waxa weeye caddaalad-darraa meesha ka socota iyo ciil, markaa in la baadhaa weeye.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment