Wednesday, August 19, 2015

Kobci Ogaalkaaga Sharka!

‘’Sharka umaan baran shar ahaan
Laakiin waxaan u bartay si aan uga dhawrsado
Qofkaan ka aqoon khayrka
Ileyn sharkuu ku dhacaaye.’’ ~ Gabyaa Carbeed.

Dhibaatooyinka iyo shararka is huwan ee ku gadaaman nolosheenna ayaa waajib ka dhigaya in aan ogaano shararka si aan uga badbaadno ugana dhawrsoonaanno, waayo ogaal la’aantooda darteed ayaa sabab u noqon karta in aan ku dhacno.
Waanna kii lahaa asaxaabigii weynaa ee Xudayfa ibnu Yamaan waxay asxaabtu ahaayeen kuwa Rasuulka (NNKH) waydiiya khayrka, anna waxaan ahaa mid waydiiya Sharka!, annoo ka baqanaya in uu i haleelo. Xadiiskan waxaan ka fahmaynaa in barashadda iyo waydiimaha la xidhiidha sharka ay muhiim tahay si aan sharka u aqoonsanno laf ahaantiisa, sidoo kale in aan ogaanno waxa sharka ka farcama oo dhan; ka dibna aan dabar-jari karno; amma aan ka digtoonaan karno; dadkana uga digi karno, gaar ahaan wakhtigan Aakhiru samanka ah ee shubahaatka iyo sharku sida roobka inoogu da’ayaan.
Haddaba, innaga oo ka duulayna xadiiskaas iyo gabyaagaa carbeed ee innagu dhiirinaya in aan wax ka ogaano sharka si aan iskaga illaalinno, isla markaana ku xoojinayna odhaahda Soomaaliyeed ee tidhaa ‘Wanaag waxba kaama gooyee; Xumaanta ka digtoonaw!’. shararkaas aan rabno in aan ogaanno waxa aan u kala saari doonaa, dhinacyada Diinta (caqiidada), Dhaqan-dhaqaale Arrimaha Bulshadda, Siyaasadda, iyo ka hadalka wax aynaan aqoon u lahayn, walaw ay dhammaantood ku soo aroorayaan qodobka diinta. Haddana in aynu kala saarnaa waa mid ka mid ah isku daygeenna kobcinta ogaalkeenna, arrimahanina waxay kala yihiin sidan:-
1. Caqiidadda: Sharka caqiiqadda ku soo dhex dhuunta sida bidcada iyo khuraafaadka aan tiradda lahayn oon ogaanno waxay innaga caawinayaan in aan la noolaano caqiido sax ah. Laakiinse haddii aynaan ka aqoon bidcada sunnaha, waxaan halis u nahay in aan ku dhacno. Tusaale ahaan, arrimaha aadka u soo faafaya wakhtiyadan danbe waxa ugu mudan arrimaha Shiicadda. Ogaal la’aan ka haysa dad badan oo innaga mid ah darteed ayaa waxa ay ku hadaaqaan ‘’Sunni iyo Shiici waxba kuma kala duwana!’’, Haddii ay ogaan lahaayeen sharka ku dhex qoofalan shiicadda waxa hubaal ah in ay fadhigaa fadhi uga noqon lahaayeen. Haddaba kobci ogaalkaaga la xidhiidha arrimaha caqiiqadda kobcina si aad u ogaato shar kasta oo lagu soo dhex tuuray arrimaha caqiiqdada si aad u badbaado labada daarood.
2. Siyaasadda: Sidoo kale sharka ku soo dhex dhuunta arrimaha Siyaasadda ee aadka u tirada badan oo iyaguna u baahan in aan ogaanno waxa ka mid ah Cilmaaniyadda, Dimiquraadiyadda, Shuuciyadda, IWM, haddii uu qofku aqoon u lahayn amma aanu aqoon aragtiyaha ka danbeeya iyo waxay farayaan, waxa uu halis u yahay in uu ku dhaco, isaga oo aan ogaal u lahayn shararka iyo qudhunka dhex hawaara. Haddaba in aan kobcino ogaalkeena la xidhiidha aragtiyahaas waxay innaga caawin karaan in aan ka fogaanno ugana digno dadka ogaal la’aan dhex dabbaasha.
3. Dhaqaalaha: Sidoo kale shararka iyanna innagu faafi kara amma badhkood inaggu faafayba waxa ka mid ah arrimaha la xidhiidha dhinaca ganacsiga, sida ribadda iyo arrimo badan oo xaga iibkaa. In aad taqaan waxa ribo la yidhaa oo aad barato waxa ay kaa caawinaysaa in aad ogaato marka aad ribo dhex hawaarto iyo marka aad mid xalaal ah ku dhex jirto, laakiin markii aanad ka garan karin maxaa ribo ah, maxaa se aan ahayn waxaad halis u tahay in aad xaaraan daaqdo.
4. Arrimaha Bulshadda: Haddii aynu kobcinno ogaalkeena sharka la xidhiidha ee arrimaha bulshada, isla markaana aynu kordhino ogaalkeena sharka ay keenaan arrimaha ay ka mid ka yihiin khilaafaadka, qabyaaladda, qaadka, tahriibka, jahliga, iyo dhammaan arrimaha bulshadda ee kale ee innagu xeeran waxa hubaal ah in aan guul ka gaadhi karno arrimahaa bulshadda ee murgay xal waarana laga gaadhi karo. Tusaale ahaan, haddii shaqsi kasta oo innaga mid ah kobciyo ogaalkiisa sharka qabyaaladda, waxa suuragal ah in la waayi lahaa qof qabiil qof ku dhaweysta amma ku fogeeya.
5. Dhaqanka: Haddii aad rabto in aad hesho lana noolaato dhaqankii Soomaalidii hore oo sax ah waxaad ku qasban tahay in aad ogaato khaladaadka iyo shararka faraha badan ee lagu dhex qasay. Sida:- Arrimaha Guurka, Afka, IWM.
6. Aqoon darrada: Aqoon darradu waxay ka mid tahay waxyaabaha duleeya ummadaha, keenana in sharka loo hoos geliyo. Aqoon darradu maaha oo kaliya in qofku cilmiga garan waayo, balse waxa ugu darran in qofku ka hadlo wax aannu aqoon u lahayn, taasoo keenta inuu si toos ah ugu dhaco sharka, kuna gefo caqiiqada iyo qiyamka diinta islaamku leedahay, sidaa darteed si aan sharka uga fogaanno aan ka fogaanno ku doodida iyo ka hadalka wax aynaan aqoonta u lahayn.
Ugu danbeyn haddii aynu ku guulaysanno in aan ogaal buuxa u yeelanno shararkaas soo dhex gali kara arrimaheena caqiiqadda, siyaasadda, dhaqaan-dhaqaale iyo dhammaan arrimaheena kale ee bulshadda waxa hubaal ah in aan liibaani doono danbaysadda iyo joogtaddaba. Sidoo kale arrinkasta oo aad galayso ama aad rabto in aad qabato ha fiirin kaliya wanaaga iyo khayrka dusha sare ka muuqda oo kaliya ee fiiri arrimo badan oo kale, fiirintaas ayaanna kuu horseedi karta badbaado iyo badhaadhe.

Eebbaa Mahad leh.

W/Q: Xassan Cabdillaahi Samatar “Turaabi”
Email: turaabi@hotmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment