Wednesday, August 19, 2015
“Findhicilka Soo Hadal Qaadkiisa ayaa Xaraana, Markaa Xirsi waa Findhicil oo Uma Jawaabayo”Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan.
Hargeysa August 19, 2015(Himilo)-Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo kamida Golaha wakiilada Somaliland Ayaa ka hadlay jawaab bulshada inteeda badani waydiiso.
Su’aasha Bulshadu Xildhibaanka Waydiiso Ayaa ah “Maxaad Xirsi Ugu Jawaabi Wayday”
Wasiirka madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Ayaa beeniyay fal ciidamada ilaalada madaxtooyadu kula kaceen xildhibaan Xasan Cawaale Dabayaaqadii Bishii Ramadaan oo ay xildhibaanka ciidan ku garaaceen Xarunta Aqalka madaxtooyada Somaliland taasi oo uu wasiir Xirsi sheegay In xildhibaanka aanay garaacin ciidanku balse ay dib u kala tureen.
Xildhibaan Xasan Cawaale waxaa uu ku tilmaamay wasiirka madaxtooyada in uu yahay Findhicil isla markaana aanay haboonayn in loo jawaabo.
Xildhibaan oo Su’aasha bulshada waydiiso ka jawaabaya ayaa yidhi “Dadwaynaha ayaa had iyo jeer yidhaahda maxaad Xirsi ugu Jawaabi Wayday, Waxaan kaga jawaabayaa Su’aashaas Findhicil ayaa la iswaydiiyay Ma Xalaalbaa, mise waa xaraan, Markaasaa lagu jawaabay findhicilka soo hadal qaadkiisa ayaa xaraana, Markaa Xirsi waa Findhicil oo uma jawaabayo.”
Xildhibaan Xasan Cawaale Waxaa uu sidoo kale sheegay in golaha wakiilada looga yeedhi doono wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha Ciidamada Booliiska “Runtii warqadii aanu ugu yeedhaynay hada ayaanu qoraynaa, waana loo yeedhayaa, su’aalana waala waydiinayaa, dhalinyaro badan oo cabanaysana waanu aragnay”Ayuu Yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment