Tuesday, August 18, 2015

“Somalilandtii Shanta Somaliyeed Ugu Saraysay , Iyadaa Maanta ugu Hoosaysa…..Doorasho Dalka ka Dhacaysaana Ma Jirto” Mujaahid Cali Guray.

 

Hargeysa August 18, 2015 (Himilo)-Guddoomiye ku xigeenka sadexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) Ayaa walaac ka muujiyay doorasho dalka ka dhacda 2017ka.

 
Mujaahid Cali Guray waxaa uu Xusay in la qaban karayay doorashada 2015,2016 iyo 2017, balse la iska diiday in la qabto, isagoo sheegay in lagu khasbanyahay go’aanka maxkamadu ka gaadhay wakhtiga doorashada la qabanayo.
Mujaahid Cali Guray waxaa uu carabka ku adkeeyay in Somalilandtii ka sarayn jirtay shanta somaliyeed ay iyadu maanta ugu hoosayso isla markaana ay ka rajo wanaagsantahay dawlada Federaalka Somaliya.

 
Mujaahid Cali Guray oo arimahasi Ka Hadlaya Ayaa Yidhi “Doorashooyin dalka ka dhacayaa ma jiraan, 15kii waala dilay, 16kii way dhimatay, ku bushaaraysta 17kana dalkan doorasho ka qabsoomaysaa ma jirto, Go’aanka maxkamadana waa lagu khasbanyahay in la ogalaado, waana la ixtiraamayaa”.
Mujaahid Oo Hadalkiisa sii wataana waxaa intaasi ku daray “Somaliland Ilbaa usii noolayd inyar oo bidhiikha, Ishiina way beeshay way indho laadahay, mooyi inay buur ka dhici inay jar ka dhici, dawladnimadii Somaliland halkaasi ayay ku dhamaatay”Ayuu Yidhi Mujaahid Cali Guray.

 
Cali Guray waxaa uu sheegay in dawladnimada Somaliland ku iibsamaysay doorashooyin la qabto balse dib u dhigista doorashooyinku sababi karaan in dawladnimadii Somaliland laga dayriyo “Habeenkaa caawa ah Taa Alshabaabtu qarxinayso iyo hargeysadaa shanta Somaliyeed ka horayn jirtay, maanta iyadaa ugu hoosaysa shanta soomaaliyeed waxaana ka rajo wanaagsan dawlada Xamar,Meelna Dastuurka Kagama taal guurtida ayaa cayimaysa wakhtiga doorashada”AyuuYidhi Mujaahid Cali Guray.

 
Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa saaka mudaysay wakhtiga doorashada madaxwaynaha iyo wakiiladu ka dhacayaan dalka oo ku beegan April 2017ka.

 

Halkan Ka Daawo Warkaasi.

https://www.youtube.com/watch?v=NJ0cid1cgFg&feature=youtu.be

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment