Wednesday, August 19, 2015

Masuuliyiinta Gobolka Saaxil, degmada iyo Dekedda Berbera oo kormeeray Mashaariic ka socda Haamaha Keydka Shidaalka

Berbera, 19 August, 2015 (Himilo)- Maamullada Gobolka Saaxil, Dekedda iyo Degmada Berbera, ayaa shalay kormeer indho-indhayn ah ku maray Mashaariic horumarineed oo ka socda Haamaha Keydka Shidaalka oo dib-u-habayn iyo ballaadhin lagu samaynayo.


Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera Cabdishakuur Ciddin iyo Mareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Xoor-xoor, ayaa kormeerkooda ku maray qaybaha kala duwan ee Xarunta Haamaha Keydka Shidaalka magaalada Berbera oo ay ka mid yihiin Sheybaadhka tayada shidaalka, qaybo ka mid ah haamaha Shidaalka lagu keydiyo oo dayactir lagu samaynayo, waxaana halkaas warbixin ku saabsan mashaariicda horumarineed ee ka socda warbixin ka siiyey masuuliyiintan Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka Saleebaan Siciid Cali.



“Mashariicdan waxay ka mid yihiin kuwii madaxwaynaha Somaliland dabyaaqadii sanadka 2015-kii u dhagax dhigay haamaha shidaalka berbera waxaad aragtaan dayac tirka ku socda. Wax Dayac-tirka Haamaha laguma samayn ilaa wakhtigii shirkaddii Total maamuli jirtay, waana dayac tir ku dhamaystiran haanta hoosteed iyo korkeedba. Imminka waxaan dhagax dhigi doona oo kale dhisme masaajid oo wayn, wax kale oo idin tusayaa in Laabkii lagu baadho tayada shidaalka yimaada dalkeena oo iminka ah mid shaqeeya sidii uu madaxwaynuhu u furayba,” Sidaas waxa yidhi Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera.


Maareeyuhu waxa uu sheegay inay ka hawl-galayaan sidii dalka looga ilaalin lahaa shidaal wasakh leh oo tayadiisu liidato, waxaanu yidhi, “Waxaan ku rejo waynahay inaan sameyno koox soo hubiya kaalmaha shidaalka ee gobollada dalka oo dhan si aan loo arag shidaal wasakh leh oo meel kale dalka ka soo gala, dhawaan ayaan arrintaana bilaabi doona.”
Guddomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa ku ammaanay Maareeye Saleebaan Cali xil-gudashada masuuliyaddiisa, waxaanu yidhi, “Waxaan qirayaa in Haamaha shaqadan iminka socota aan hore u soo kormeeray, wax lagu farxo ayaa mareeye Saleeban ka qabtay Haamaha shidaalka Berbera, waxaan ku rajanayaa in meel halkan ka saraysa mooye meel kale aanad arag.”


Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Berbera ahna Maayirka magaaladaas, Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) oo halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Masuul kastaa wixii uu qabto ayuunba ka hadhaya, muddadii ugu danbaysay ee xukumadani talada dalka haysay wax sii kordha mooye, wax nusqaama ma jiraan, Shaqadan wanaagsan ee mareeyuhu ka qabtay haamaha waan ku hamblaynayaa.”
Mareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), ayaa isaguna dhankiisa bogaadiyey hawsha uu Qaranka u hayo Maareeye Saleebaan Cali. “Shaqada halkan ka soctaa waa shaqo lagu farxo, waana shaqo tayo leh. Shaqsiyan waan ku amaanayaa shaqadan wagaagsan ee uu qabtay. Marka qaranka loo shaqaynayo loomaha baahna qof daar dheer iska dhista ee waxa loo baahan yahay in qaranka loo shaqeeyo,” sidaas ayuu yidhi Eng Cali Cumar.

Himilomedia
Hargeysa Offiec

No comments:

Post a Comment