Tuesday, August 18, 2015

BORAMA: Budhcad Hubaysan oo Farsamo Somaliland Ku Cusub Ku Boobay Meherad Ganacsi iyo Khasaare nafeed oo ka dhashay

Badhasaabka Gobolka Awdal oo siday wax u dhaceen, Digniin-na u Booliska iyo Ganacsatada
Boorama, 18 August, 2015 (Himilo)- Dabley hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan, ayaa fiidnimadii xalay weeraray meherad ganacsi oo ku taala gudaha magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, waxaanay khasaare nafeed iyo maaliyadeedba u geysteen dadkii ku sugnaa goobta iyo meheradda bartilmaameedka u ahayd.

 
Dableydan oo ku hubaysnayd hubka fud-fudud ayaa abaarro 9-kii fiidnimo ee xalay weeraray meherad uu leeyahay Ganacsade caan ah magaalada Boorama oo lagu magacaabo Ina Caamir, waxaanay halkaas dhaawacyo ugu geysteen saddex qof oo ku sugnaa meheradda oo laba ka mid ahi yihiin dadkii ka ganacsayey, halka qofka saddexaadna ahaa shaqaale ka hawl-galayey meheradda, sida uu Wargeyska Himilo u xaqiijiyey Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo isagoo magaalada Boorama ku sugan khadka telefoonka ugu warramay weriye ka tirsan Himilo.

 
Badhasaabka Awdal waxa uu sheegay in kooxda budhcadda ah oo tiradooda ahayd Lix nin oo hubaysan ay isu qeybiyeen saddex nin oo gudaha u galay meheradda iyo qayb hor joogsatay albaabka meheradda oo ay dusha ka ilaalinayeen, dabadeedna ay sidaas ku boobeen.

 
“Meherad uu leeyahay ganacsade la yidhaahdo Ina Caamir oo gobolkana caan ka ah, ayay weerareen oo ay in lacag ah ka qaateen, dadna ku dhaawaceen. Nimanku qoryo ayay ku haybsnaayeen, tiradooduna dhowr bay ahayd; saddex gudaha ayay galeen, saddexna gaadhbay ka hayeen.

 
Waxa halkaas ku dhaawacmay saddex qof, qof xamaaliintii dukaanka ka mid ahaa iyo laba qof oo kale,” Sidaas ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal, isagoo intaas ku daray in saddex qofba dhaawacyo fudud ka soo gaadheen rasaas ay fureen markii ay ka sii baxsanayeen goobta.
Badhasaabka oo la weydiiyey in Gacanta lagu dhigay nimankaas iyo sida ciidamada ammaanku uga hawl-galeen, waxa uu ku jawaabay, “Markiiba askarii bay is-eryadeen, magaaladana way iskala baxeen, ilaa immikana waanu sugaynaa,” ayuu yidhi Md Ramaax, waxaanu intaas ku daray oo sheegay in dhacdadani tahay markii labaad ee muddadii uu gobolka joogay koox budhcad ahi ka geysato magaalada Boorama, isagoo sheegay in sidan oo kale hore loogu bartilmaameedsaday meherad ganacsi oo laga boobay hantidii taalay.

 
Md Ramaax oo aanu weydiinnay in kooxaha falkan geystay cid gaar ah lagu xidhiidhin karo maadaama uu yahay fal ku cusub gobolka iyo guud ahaanba dalka, waxa uu sheegay inaanay jirin cid gaar ah oo uu la xidhiidhin karo balse ay yihiin budhcad u badheedhay boobka hantida dadka.

 
Si kastaba ha ahaatee, boobka noocan ee budhcadda hubaysan ka geysatay magaalada Boorama xalay, ayaa ah fal ku cusub dalka isla markaana u muuqda mid la mid ah falalka ay magaalooyinka waaweyn ee caalamka ka geystay kooxaha budhcadda ah ee adduunka. Badhasaab Ramaax oo arrintan wax lagu weydiiyey, waxa uu ku baaqay in ciidamada Ammaanku ka hawl-galaan sidii ay u ilaalin lahaayeen hantida shacabka isla markaana looga foojignaan lahaa inay falalka noocan ahi ka dhacaan dalka.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment