Wednesday, August 19, 2015

Xaaska Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo iyadoo hubaysan lagu Qabtay Madaar Caalami ah

Nairobi 19 August, 2015 (Himilo)- Saraakiisha Madaarka Jomo Kenyata ee caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi, ayaa sheegay in xabsiga la dhigay haweenayda u dhaxday Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdirashiid Cumar Sharmaarke, ka dib markii boorsadeeda laga helay hub ay sidatay.


Haweenayda oo magaceeda lagu sheegay Caasha Yaasin Xasan ayey sheegeen saraakiisha madaarka Jomo Kenyatta in shandad ay sidatay laga helay Lix Xabbaadood oo rasaas ahxilli ay ka dhoofaysay madaarka magaalada Nairobi oo ay uga sii gudbaysay dalka Maraykanka.


Xaaska Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegay in markii dambe damiin lacageed lagu sii daayey, loona oggolaaday inay sii wadato safarkeedii, balse dacwaddeeda lagu qaadi doono Maxkamada marka ay soo laabato.
“Marwo Caasha waxa maxkamad la soo taagi doonaa marka ay soo laabato,” sidaa waxa sheegay Taliyaha ciidamada booliiska madaarka magaalada Nairobi, Joseph Nthenge, isagoo intaas ku daray in ciidamada boolisku baadhitaan ku hayaan dhacdadaa.


Wararka la xidhiidha kiiska haweenayda ayaa sheegaya haddii baadhitaanka lagu ogaado inaanay si kas ah u soo qaadan rasaasta ay ka baaqsan karto maxkamad la soo taago.
Caasha Yaasiin ayaa saxaafadda u sheegay in Odaygeedu hore u isticmaalay Shandadda isla markaana aanay alaabtii ku jirtay ka soo faaruqin intaanay u soo qaadan madaarka oo aanay ka war hayn inay rasaas ku jirto.
Caasha ayaa la sheegay inaanay haysan sharci u ogolaanaya haysashada hubka, isla markaana aanay ka diiwaangelin madaarka hubkan lagu qabtay.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment