Wednesday, August 19, 2015
Go’aanka Maxkamadda Sare, Giirka KULMIYE, Gendoodka WADDANI, Guubaabada UCID ee Gal-daloolooyinka jira iyo Geedda-ka-ciyaarka Guurtida
Hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi iyo Golaha Guurtidu siday u kala qaabbileen go’aanka Maxkamadda sare ku ayidday muddo-kordhinta?
“2015-kii way dhimatay oo waa la dilay, 2016-kii way dhimatay oo waa la dilay, ku bushaaraysta 2017-kana dalkan doorasho ka qabsoomaysaa ma jirto, Go’aanka Maxkamaddana… dawladnimadii Somaliland halkaas bay ku dhammaatay..” - Cali-Guray
Hargeysa, 19 August 2015 (Himilo)- Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda Somaliland ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE iyo Shir-guddoonka Golaha Guurtida, ayaa soo dhaweeyey go’aanka ay Maxkamadda Sare ee dalku Salaasadii shalay ku ayidday Sharcinnimada muddo-kordhin sannad iyo toban bilood dhan oo Guurtidu u sameeyey Madaxweynaha, Ku-xigeenkiisa iyo Golaha Wakiillada oo khilaaf siyaasi ah dhalisay markii ay Mucaaradku qaaddeceen ka dib, waxaanay laashay heshiis ay Xisbiyada iyo Xukuumaddu wada-galeen 27 May 2015 oo ay ka gaadheen khilaafkaas, balse Guurtidu hore-ba u qaaddacday.
Maxkamadda Sare oo Madaxweynaha Somaliland 8-dii bishan u gudbiyey Qoraal uu kaga dalbaday inay Tafsiir Sharci ka soo bixiso sharcinnimada muddo-kordhinta khilaafka dhalisay ee Golaha Guurtidu u sameeyey Madaxweynaha, Ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, ayaa shalay soo saartay qaraar ay ku ayidday sharcinnimada muddo-kordhinta Guurtida sida uu Dastuurku dhigayo, halka ay laashay heshiiska Xisbiyada iyo Xukuumadda.
Waxa ay Masuuliyiinta Xisbiyada iyo Guurtidu oo markii go’aankaasi soo baxay ka dib isla magaalada Hargeysa Saxaafadda kula hadlay sheegeen, inay aqbaleen go’aanka Maxkamadda sare. Hase-yeeshee, Masuuliyiinta Xisbiga UCID waxay muujiyeen caqabado u baahan in wada-jir saddexda Xisbi uga hawlgalaan iyo rejo-xumo dhinaca doorashooyin qabsooma 2017-ka, maaddaama oo 2015 iyo 2016 oo la qaban karayey la dhaafiyey.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ka jawaabay sida ay Xisbi ahaan ugu qanceen go’aanka Maxkamadda Sare ee Somaliland ka gaadhay tafsiirka Sharci ee muddo-kordhinta khilaafka dhalisay ee Golaha Guurtidu u sameeyey Madaxweynaha, Ku-xigeenkiisa iyo Golaha uu hoggaamiyo isagu, waxaanu yidhi; “Go’aanka Maxkamaddu soo saartay sidiisaannu ku qaadanaynaa, qodobbo ay Maxkamaddu soo saartay ma jirto ee wakhtigii doorashada ayuun bay cayintay, go’aanka Maxkamaddana sidiisaannu ku qaadanaynaa.”
Hase-yeeshee, Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo dhankiisa ayiday go’aankaas oo uu ku tilmaamay Kiniin qadhaadh oo liqitaankiisa ay ku qasban yihiin, waxa uu haddana muujiyey in loo baahan yahay in saddexda Xisbi oo wada-jira hoggaankoodu ka hawlgalo sidii uu beesha caalamka ugu qancin lahaa inay ku taageeraan go’aankan Maxkamadda sare.
“Horta, go’aanka Maxkamadda waa lagu qasban yahay in la oggolaado, inkasta oo aannu u aragno go’aankaasi inuu yahay go’aan waxyeello badan gaadhsiinaya dalkeenna, haddana annagu waan oggolaannay, waa Maxkamaddeennii sare. Waad arkayseen oo intaas oo Ajaanib ah baa joogtay oo ka wakiil ah daneeyayaasha innaga taageeri jiray doorashooyinka. Markaa, annagu duudduub ku liqnay Kiniinkaa qadhaadh, laakiin waxa weeye in dibedda la tegaa saddexdayada Guddoomiye Xisbi tagnaa oo adduunka ka soo raarridnaa inay go’aankaas innala taageeraan, wixii ay inna tari jireen-na meesha ka saarin.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey go’aanka Maxkamadda Sare oo uu sheegay in sidiisa loo fulin doono, waxaanu yidhi; “Maxkamaddii sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qaraar ka soo saartay arrintii muddaba la hadal-hayey ee Xisbiyadu ku doodayeen in hore loo soo mariyo doorashada, waxay soo saartay qaraar ah in la raaco go’aankii Guurtida, hadalkina halkaasuu ku dhammaaday, siduu yahayna waa loo fulinayaa, Insha Allaahu khayr bay noqon doontaa, murankina wuu innaga dhammaaday, waa doorashadii oo aynu u diyaar-garawno uun.”
Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) oo go’aankaas ayiday, ayaa isagu ka dayriyey in 2017-ka wakhtiga doorashada loo riixay inay qabsoomi karto, waxaanu yidhi; “2015-kii way dhimatay oo waa la dilay, 2016-kii way dhimatay oo waa la dilay, ku bushaaraysta 2017-kana dalkan doorasho ka qabsoomaysaa ma jirto, go’aanka Maxkamaddana waa lagu qasban yahay in la oggolaado oo waa la ixtiraamayaa.
Somaliland il-baa u sii noolayd inyar oo dinniikh ah, ishiina way beeshay, way indha la’dahay inay Buur ku dhici iyo inay Jar ka dhici dawladnimadii Somaliland halkaas bay ku dhammaatay, waxaana ka rejo fiican baan qabaa anigu shaqsiyan, Soomaaliyadaa dagaalku ka socdo ayaa dawlad uga dhaw, waayo 2015 doorashadu way qabsoomi karaysay lama qaban, dastuurkana meel ay kaga taallo waxa xaq u leh inay taariikhda doorashada cayinto Guurtida ma jirto.”
Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali oo isna ka hadlayey dareenka Guurtida maaddaama oo ay Maxkamadda sare go’aankoodii muddo-kordhinta ku raacday, waxa uu yidhi; “Maxkamaddu maaddaama oo ay tahay Maxkamadda kaliya ee qaabbilsan ee awood u leh tafsiirka wixii la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka, go’aan kasta oo ay soo saarto waannu ku qasbannahay. Haddana waxa weeyaan maaddaama oo ay qaadatay go’aankii Dastuuriga ahaa (Muddo-kordhinta Guurtida) waannu soo dhawaynaynaa.”
Go'aanka ay Maxkamaddu ka soo saartay dalabka Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey ee uu ku codsaday inay fafsiir sharci ka bixiso muddo-kordhinta sannadka iyo tobanka bilood ah ee Golaha Guurtidu u sameeyey Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo Mucaaradku qaaddacay, waxay sharciyan ayidday go'aanka Guurtida, iyadoo laashay heshiis khilaaf-demin ahaa oo XIsbiyada iyo Xukuumaddu isla gaadheen 27 May 2015 oo dhigayey in doorashada la qabto 15-ka December 2015-ka, halka laga soo raray ama dib ay uga dhacday 26 June 2015, waxaana go'aaka Guurtida ee ay ayidday Maxkamaddu dhigayaa oo ay muddaysay in doorashada la qabto 28/03/ 2017-ka, taasoo ah bil ka hor dhammaadka muddada loo kordhiyey Madaxtooyada iyo Wakiillada sida uu Dastuurku dhigayo.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment