Tuesday, August 18, 2015

Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran Oo Si Isku Mida Usoo Dhaweeyay Qaraarka Maxkamada Sare Kasoo Saartay Mudo Kordhinta Guurtida.

 

Hargeysa August 18, 2015(Himilo)-Guddoomiyayaasha Sadexda Xisbi Qaran KULMIYE,UCID iyo WADDANI ayaa soo dhaweeyay go’aanka maxkamada sare kasoo saartay khilaafka mudo kordhinta ee golaha guurtida Somaliland.

 
Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa saaka go’aamo kasoo saartay mudo kordhinta golaha guuritda Somaliland iyada oo sheegtay in doorashada dalka la qabandoono wakhtiga ay cayimeen odayaasha aqalka golaha guurtida Somaliland oo ku began April 2017ka.

 
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa go’aanka maxkamada ku tilmaamay mid wanaagsan oo soo gabagabeeyay khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka taagnaa isla markaana loo baahanyahay in la isku diyaariyo doorashada “Maanta Maxkamadii sare ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa qaraar kasoo saartay arintii mudaba la hadal hayay oo xisbiyadu ku doodayeen in hore loosoo mariyo doorashada, waxay soo saartay in la raaco go’aankii guurtida, Hadalkuna halkaasi ayuu ku dhamaaday, waana la fulinyaa, murankiina wuu inaga dhamaaday waa doorashada oo loo diyaar garoobe.”Ayuu Yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muse Biixi Cabdi.

 

 
Waxaa isna Dhinaciisa soo dhaweeyay go’aankan Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo sheegay si kasta oo go’aankani u adagyahay ay hadana aqbalayaan maadaama ay gaadhay maxkamada ugu saraysay dalka“Horta go’aanka maxkamada waa lagu qasbanyahay, inkastoon u aragno qaraarkaasi mid waxyeelo badan gaadhsiinaya dalkeena, hadana anagu waanu ogalaanay waa maxkamadeenii sare ixtiraamkeeda ayay inaga mudantahay, anagu duuduub ku liqnay kiniinkaa qadhaadh”Ayuu Yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.

 

 
Sidoo kale waxaa isna go’aankan saaka maxkamadu kasoo saartay wakhtiga doorashada la qabanayo soo dhaweeyay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo sheegay in Qaraarka maxkamada ay qaateen “Go’aanka maxkamadu soo saartay sidiisaan ku qaadanaynaa”Ayuu Yidhi Guddoomiyah Xisbiga Waddani Mudane Ciro.

 
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment