Bariga dhexe, 18 August 2015-(Himilo)- Wiil uu dhalay Hoggaamiyihii hore ee Urur-weynaha Al-Qaacida Osama Bin Laden, oo lagu magacaabo Xamse (Hamza), ayaa soo saaray farriin uu ku sheegayo in la weerarro dalalka reer Galbeedka, waxaanu si gaar ah u xusay waddanka Isra’el.
Xamse (Hamza) Osama Bin Laden oo la aammisan yahay inuu ku jiro da’da labaatan jirka ah wakhtigan, ayaa la qiyaasayay in uu noqon doono qofkii beddeli lahaa Aabbihii Osama bin Laden, isla markaana uu hoggaamin doono Ururka Al-Qaacida.
Farriintan oo lagu baahiyay Barta Twitterka, ayuu Hamza ku sheegay in la weeraro Maraykanka iyo dalalka ay saaxiibbada yihiin, isagoo xusay in la weerarro magaalooyinka Paris, London iyo Tel Aviv ee dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo Israa’iil.
Wiilka uu dhalay Osama Bin Laden, ayaa intii uu noolaa Aabbihii wuxuu ku dhex-jiray dagaallada Jihaadiga ah isagoo ka soo dagaallamay dalka Afghanistan. Waxaana hoggaamiyaal badan oo Al-Qaacida ah ay doonayaan inuu noqdo Hamza Hoggaamiyaha Urur-weynaha Al-Qaacida.
Sidoo kale, Hamza bin Laden ayaa Hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida wuxuu ku baaqay in dagaallada Jihaadiga ah laga soo wareejiyo magaalooyinka Kabul, Gaza iyo Baqdaad loona wareejiyo magaalada Washington ee xarunta Mareykanka.
Farriintan ayaa la rumeysan yahay in lasoo duubay ka hor bishii June ee 2015-ka, laakiinse hadda lasoo bandhigay, iyadoo noqonaysa farriintii ugu horreysay ee uu soo duubo Wiil uu dhalay Osama Bin Laden oo jahaad ku baaqayaa.
Tan iyo markii Osama Bin Laden ay Ciidammada Mareykanku ku dileen dalka Pakistan sannadkii 2011-kii ayaa kooxda Al-Qaacida, waxaa hoggaaminayay Ayman al-Zawahiri, kaasoo ahaa Ku-xigeenkii Bin Laden, isla markaana dhawaan la sheegay in la dilay, inkasta oo ay Kooxda Al-Qaacida beeniyeen warkaas.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment