

Marwada oo ka hadlayey doorka haweenku ku leeyihiin horumarka iyo dhismihii dalku soo maray, waxa ay tidhi, “Haddaanu nahay haweenka, waxaanu qirsannahay inay raggu yihiin laf-dhabarta wax-qabadka dalka, laakiin haweenku ka sii yar fiican yihiin. Haweeku kaalin weyn ayay ka soo qaateen halgankii dalka xornimadiisa lagu soo celiyey iyo halgankii horumarka labaatanka sanno ee dalku soo jiray iyo ka aynu maanta ku jirno, haweenku halkay ka soo galeen iyo waxay ka soo qabteen waa lama illaawaan.”
“Hadday tahay dawladda maanta jirta haweenku waa u laf-dhabar hadday yihiin bulshada guud ahaan ee taageera nabadda, dawladnimada, horumarka way mahadsan yihiin. Dawladda maanta jirta haweenku wasaaradaha ay hayaan si qorshaysan ayaa loogu dooray wasaaradaha u muhiimsan ee u waaweyn hadday tahay waxbarashada, deegaanka, caafimaadka, Arrimaha Bulshada iyo Shaqada, waxa la qiray inay qaban karaan, waxaanan idinku bushaaraynayaa Wasiirrada ugu fir-fircoon ee ugu wax-qabadka badan inay hablaha wasiirrada ahi ku jiraan,” ayey tidhi Marwo Aamina..
Waxa kale oo ay marwada Madaxweynuhu ka hadashay ka-qayb-qaadashada haweenka ee goleyaasha Dawladda, iyada oo meesha ka saartay inaanay haweenku xaq u lahayn in kuraas gaar ah looga qoondeeyo goleyaasha sharci-dejinta.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment