Sunday, March 9, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo soo saaray Xeer uu Gacanta Dawladda ku soo celinayo Gacan ku haynta iyo ku-tasarufka Dhulka iyo Guryaha Danta Guud

Hargeysa, 09 March, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa u xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2314/032014, ku daqan geliyey Dib-u-soo Celinta Gacan Ku Haynta iyo Ku-tasarrufka Dhulka iyo Guryaha Dawladda.

madaxweyne-Siilaanyo2Madaxweynaha Somaliland waxa uu dhaqan-gelka xeerkiisan ku amray in ganacsatada iyo muwaadiniinta kale ee dalka laga iibiyo dhulka bannaan ee ku yaala Shacabka ee wakhtigan loo isticmaalin Dan Guud isla markaana lacagta ka soo baxda lagu shubo khasnadda Dawladda. Madaxweynuhu Waxaanu sidoo kale guryaha dawladda ee aan hay’ad dawladeed gacanta ku jirin dibloogu soo celiyo gacanta dawladda, isla markaana qofkii sifo sharci-darro ah ku dhistay dhul dan guud ah oo ku yaala shacab area, dib loogu celiyo lacagta kaga baxday dhismaha uu ka dhisay.

Sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed xalayka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, waxaanu u dhignaa sida tan:

“Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 12aad, Faqradiisa 3aad iyo Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda

Somaliland;

Markuu Arkay:  Qodobka 31aad, Faqradiisa 2aad ee Xeerka Maamulka Dhulka Xeer Lr. 17/2001;

Markuu Tixgeliyey: Xeerarkii kala danbeeyey ee ay soo saaraan Madaxweynaha iyo

Madaxweynayaashii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu mamnuucayay ku-takrifalka

Dhulka iyo Guryaha Danta Guud;

Markuu Helay:  Daraasadda, warbixinta iyo talo soo jeedinta Wasaaradda Hawlaha Guud,

Guriyeynta iyo Gaadiidka;

Markuu Ku Qancay: In uu dayac iyo boob ka jiro hantida ma-guurtada ah ee Dawladda (Dhulka iyo

Guryaha);

Wuxuu soo Saaray Xeerkan oo uu ku go’aamiyey;

1- In Guryaha Dawladda ee aan Hay ‘ad dawladeed gacanta ku haynin:

a)       In dib loogu soo celiyo gacanta Xukuumadda.

b)       In aan magdhaw loo celin qof kasta oo si aan sharciga waafaqsanayn u dhalan-rogay ama wax ugu kordhiyey Guryaha Dawladda.

c)       In qof kasta oo si aan sharciga waafaqsanayn u dhistay dhul bannaan oo shacab-eeriya ah uu bixiyo qiimaha u dhigma dhulka uu dhistay ama dawladdu u celiso qiimaha dhismaha ka galay.

d)       In aan waddooyinka iyo goobaha adeega guud loogu talo-galay sinaba loogu mulkiyi karin lahaansho gaar ahaaneed.

e)       In qofkii dumiyey dhisme dawladeed lagula xisaabtamo magdhawgiisa.

2- In la asteeyo lana xadido Guryaha dawladda iyo dhulka shacab-eeriya ee aan looga maarmayn danta guud ee Qaranka.

3- In la iibiyo Guryaha Dawladda iyo dhulka Shacab-eeriya ee aan loo isticmaalin danta guud ee Qaranka laguna shubo Khasnadda Dawladda.

Fulinta iyo dhaqan gelinta Xeerkan waxaa u xilsaaran Guddiga qaran ee ku xusan Xeerka Maamulka Dhulka Xeer Lr. 17/2001 Qodobkiisa 31aad, Faqradiisa 2aad oo u dhigan sidan “Wixii dhul dawladeed ah ee dan loo arko in laga iibiyo qof, shirkad, safaarad iwm ee leh sifo la ogolaaday, waxaa iibin kara oo keliya Dawladda Dhexe oo ay wakiil ka yihiin Guddi Qaran oo ka kooban:

a)       Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka “Gudoomiye”.

b)       Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda “Xubin”.

c)       Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka “Xubin”.

d)       Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka “Xoghayn”.

Waxaa la’ dajinaya siyaasadda iyo qorshaha guud ee lagu maamulayo isla markaana ka gacan siinaya fulinta xil-gudashadooda masuuliyiinta kala ah:

  • Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.

  • Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

  • Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

  • Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda.

  • Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

  • Garyaqaanka Guud ee Qaranka.”


 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment