Thursday, March 6, 2014

Dibloomaasi u dhashay Belgium oo ka hadlay Safar uu ku yimi Somaliland

Xukuumadda oo aan Shaacin socdaalka Safiirkan

 

Hargeysa, 06 March, 2014 (Himilo)- Dibloomaasi sare oo ka socday waddamada Midowga Yurub, ayaa ka hadlay waxtarka ay u leeyahiin shacabka Somaliland mashaariic kala duwan oo ka socta dalka maalgelintoodana bixiyaan.

Safiirka dalka Belgum u fadhiya magaalada Nayroobi ee dalka Kenya Mr. Bart Ouvry oo shalay booqasho ku yimi Somaliland, ayaa sheegay inuu ku farxsan yahay taageerada dalkiisu ka geysto Somaliland iyo sida ay u kobcisay nolosha bulshada.

Fariin kooban oo Mr. Ouvry shalay ku baahiyey bartiisa twitter ayuu ku sheegay, “Somaliland fursad ayey u tahay in mashaariicda IFAD ee dhinaca beeraha, caafimaadka, aqoonta, iyo helitaanka biyaha ee dawladda Belgum ay taageerada ka geysato.”

Isaga oo intaas raaciyey, “Booqashadayda Somaliland waxaan ku farxay taageerada aan ka geysano hawlaha miino-baadhka ee hay’adda HALO Trust dalka ka fuliso oo lagu badbaadiyey nolosha dad badan, isl markaana horumarinaysa hab nololeedka bulshada.”

Dibloomaasigan oo aanay xukuumaddu socdaalkiisa shaacin, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis, sida ka muuqata muuqaal uu bartiisa twitter-ka ku baahiyey, inkasta oo aanu faahfaahin ka bixin ujeeddada kulankaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo aanu khadka telefonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga weydiinno ujeeddada socdaalka dibloomasigan iyo nuxurka uu darranaa kulanka dhexmaray, ayaan haba yaraatee wax tafaasil ah naga siinin isaga oo noo sheegay inaanu shir ku jiro tiraba dhowr jeer oo aanu xidhiidh khadka telefonka ah la samaynay.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment