Tog-wajaale, 06 March, 2014 (Himilo)- Laanta Socdaalka gobolka Gabiley ee fadhigeedu yahay magaalo-xuduudeedda Tog-wajaale, ayaa shalay dawladda Itoobiya ku wareejisay tahriibayaal tiradaadu dhan tahay 24 qof oo u dhashay dalkaas, kuwaas oo doonayey inay Somaliland uga sii gudbaan dhinaca maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo xeebihiisa looga tahriibo dalalka Carabta.
Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Gaashaanle Cabdirashiid Xaaji Axmed Xasan oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan Xafiiskiisa, ayaa saraashiisa dhiggooda ah ee Itoobiya ku wareejiyey tahriibayaashan oo doonayey inay u tahriibaan waddamada Khaliijka Carabta, gaar ahaan dalka Yemen.
Gaashaanle Cabdirashiid Xaaji Axmed Xasan oo goobtii lagula kala wareegay tahriibayaasha kula hadlay warbaahinta, ayaa warramay qaabkii ay u qabteen dadkan, ayaa yidhi, “Sida aad arkaysaan, waxaanu ku wareejinaynaa dawladda Ethiopia Xafiiskeeda socdaalka Wajaale tahriibayaashan oo ciidanka Socdaalka Hargeysa ka soo qabteen qaar ka mid ah Kaantaroolka Hargeysa, halka aanu qaar ka mid ahna ka soo qaqabanay Wajaale ilaa Kalabaydh inta u dhaxaysa iyaga oo sii lugaynaya, dhamaantoodna waanagaas ku wareejinayna dawladoodii.”
Taliyaha Laanta Socdaalka gobolka Gabiley ee xaruntiisu tahay Tog-wajaale, waxa uu sidoo kale sheegay inay sharciga horgeynayaan darawallada gaadiidkii dalka soo galiyey tahriibayaasha u dhashay dalka Itoobiya, waxaanu yidhi, “Kuwa laga soo qabtay duleedka Hargeysa waxa siday laba baabuur oo sifo sharci-darro ah ku galinayay dalka, labadii darawal iyo labadoodii baabuurba waanu xidhnay sharciga ayaanu horgaynaynaa si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan, waayo waxaa ay ku xad gudbeen xeerka socdaalka Somaliland ee xeer 72,qodobkiisa 37aad oo ay ku mutaysan doonaan xadhig iyo ganaax.”
Gaashaanle Cabdirashiid oo la weydiiyey sida ay ula tacaalaan xakamaynta tahriibayaasha Itoobiyaanka ah iyo kuwa u dhashay Somaliland oo intoodani badani dhuumasho kaga tallaabaan magaalada Tog-wajaale, waxa uu ku jawaabay, “Waxaanu maalin kasta la tacaalaa tahriibayaal kala duwan qaar Itoobiyaan ah iyo kuwo Somalilanders ah ba, waananu la dagaalanaa dhamaan tahriibayaasha oo dhan.” Ugu dambayntii, waxa uu Taliyaha Laanta Socdaalka gobolka Gabiley digniin u jeediyay dhamaan darawaliinta gaadiidka isaga goosha Wajaale iyo Hargeysa, waxaanu yidhi, “Waxaan halkan digniin u marinayaa dhamaan wadayaasha gaadiidka u kala goosha Wajaale ilaa Hargeysa, waxaanan leeyahay darawalka lagu soo qabto isaga oo sifo sharci-darro ah dalka u galinaya, waxaa uu mutaysan doonaa xadhig iyo ganaax culus. Sidoo kale waxaan uga digayaa in ay gudaha Somaliland ka soo qaadaan dhalinyarada Somalilanders-ka ah ee tahriibaysa, waayo waxaa dhacda in ay soo qaadaan dhalinyaro aad u da’yar oo aan cidi wadin.”
Sida oo kale, taliyuhu waxaa uu codsi gaar ah u diray guddiga ka hortaga tahriibka iyo golayaasha qaranka in ay ka hawlgalaan sidii loo samayn lahaa Xeer khuseeya ka-hortagga tahriibka, “Waayo, Xeerkani waxa hubaala in uu wax badan ka tari lahaa dhibaatada tahriibta,” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku soo gebagabeeyay.
Maaha markii ugu horaysay ee ay laanta socdaalka gobolka Gabiley ku wareejiyaan dawladda Itoobiya tahriibayaal u dhashay dalkaas.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment