Sunday, March 9, 2014

KHUBARO IKHTIRAACDAY BARKIN LAGU DABAYSAN KARO MOOBAYLKA IYO KOMBUYUUTARKA LAPTOP-KA




Hargeysa-(Himilo)Koox Canada u dhalatay, ayaa ikhtiraacay barkin loogu talagalay in dadka la qabatimay isticmaalka telefoonnada casriga ah ee gacanta iyo kombiyuutarka Laptop-ka loo yaqaan ay ku dabaysan karaan iyagoo sariirtooda dul jiifa.


Barkintan fiishta oo kale ah waxay leedahay laba meelood oo la gelin karo laba baytari ama xadhigyada moobilada lagu dabeeyo si qofku isagoo iska jiifa uu hawshiisa u wato.


Khubarada samaysay waxay sheegeen in moobilada dab qaadka weyn lagu dabayn karo, iyag oo shuruud uga dhigay in 10 saacadood iyagu dabka ay ku jirto.


Barkintan waxa loogu talagalay dadka daawada filimada ama internetka aadka u isticmaala iyago sariirtooda dul saaran.


Wiil aad u yar oo la yidhaa Mr. Geoff Martin ayaa fikradan iska lahaa in ay hirgasho, kaasoo waqti uu hooyadii ka dalbaday in telefoonkiisu inta badan dabku ka dhaco marka uu sariirta la tego, sidaa darteedna ay u keento wax dabka u buuxiya.


Aakhirkii wiilkan yar waxa uu bilaabay inuu mashruucan ka shaqeeyo oo uu kala hawlgalo Lisa Sutt, kuwaasoo abuuray waxyaabo kala duwan.


 “Geof iyo anigu waxaannu inta badan sariirta dusheeda ku isticmaalna telefoonada iyio internetka, waxaanay aakhirkii timi walaalkii oo waydiiyey sababmaad u samaysan wayday barkin telefoonka kuu dabaysa, waxaanan waqtiga fadhiyey sariir ku xigtay anigoo ku shaqaynaya Laptob-kayga, taasna waxaannu u aragnay fikrad fiican, si dhakhsana waxaannu u bilawnay inaannu barkintan hindisno,” ayey tidhi Lisa oo 37 jir ah.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment