Hargeysa-(Himilo)Cilmi-baadhis ay sameeyeen Khubaro ka tirsan Jaamacadda Harvard ayaa daboolka ka qaaday in macaanka lagaga hortagi karo saacad iyo badh jimicsi la sameeyo maalintii.
Daraasadan ay samaysay Jaamacadda Harvard University waxa lagu ogaaday in qaadista macaanka (Diabetes 2) lagu yarayn karo %30 ilaa %40 daq saddex saacadood iyo badh toddobaadkii qofku jimicsado.
Daraasadan oo lagu tijaabiyey 100,000 (boqol kun) oo haween ah, waxa kale oo lagu ogaaday in jimicsiga muruqyada soo saara sida qaadista miisaanka culus iyo ciyaaraha Yoga-da loo yaqaan amma is kala bixinta ay sidoo kale cudurkan ka hortagiisa daawo ka yihiin.
Khubaradu waxay sheegeen in dadka sameeya dhaqdhaqaaq 150 daqiiqo qaata oo keena in jidhka cuntadu ku gubato ay noqdaan dad ka madhan cudurka macaanka.
Cilmi-baadhistan oo khubarada Harvard ay ku weheliyeen saynisyahanno ka socday Jaamacadda Southern Denmark, ayaa lagu baadhay dumar da’doodu tahay kuwa dhexe iyo qaar tiro yar oo waayeel ah oo aan macaan lahayn markii daraasadaynta lagu bilaabay.
Daraasada oo muddo 8 sannadood ah socotay intii lagu guda jiray 3,491 haween ah ayaa macaan qaaday, gaar ahaan nooca labaad, kuwaasoo la ogaaday inaanay wax jimicsi ah samayn.
“Cilmi-baadhistayadan waxay soo jeedisay in qofka oo muruqyadiisa ka shaqaysiiya amma jimicsi sameeya ay la xidhiidho in macaanka uu qaba xataa hoos uga dhaco,” ayey sheegeen khubaradan daraasadan caafimaad samaysay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment