Tuesday, March 11, 2014

Madaxweynaha Soomaaliya oo Safar Dhaqaale-doon ah ugu baxay Waddanka Jabbaan




Muqdisho, 11, March, 2014-(Himilo)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wefti uu hoggaaminayo oo isugu jira Wasiirro iyo Mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan, ayaa shalay ka dhooftay magaalada Muqdisho, isla markaana u ambabaxay dalka Jabbaan.


Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu Casuumaad rasmi ah ka helay Raysal-wasaaraha dalka Jabbaan Shinso Abbe.


Eng. Yariisow, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu kala hadli doono Madaxda dalka Jabbaan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dib-u-dhiska Soomaaliya, maaddaama Jabbaan ay hore u qabatay shir dhaqaale loogu ururinayay Soomaaliya, waxaanu Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya yidhi; “Dowladda Jabbaan waxay muujisay sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay ka gacan ka siiso dhinacyada horumarinta, waxaana dhawaan Jabbaan tabobbar lagu soo siiyay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, kaasoo lagu dhisayo aqoontooda.”


Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu sheegay in Madaxweynaha qorshihiisa ugu weyn ee uu ku tegay Jabbaan yahay sidii uu Xukuumadda Jabbaan ula wadaagi lahaa in ay dib-u-dhiska Soomaaliya iyo horuminta dalka ay qayb weyn uga qaadan lahaayeen.


Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa safarka uu Jabbaan ku aaday ayaa noqonaya kii labaad oo uu dalkaas ku tago, iyadoo la xusuusto in sannadkii lasoo dhaafay uu uga qayb-galay shir looga hadlayay xidhiidhka Jabbaan iyo Afrika iyo shir Soomaaliya loogu ururinayay dhaqaale.


Dowladda Jabbaan ayaa waxay sanadkii hore taageero siisay Booliiska Soomaaliya, iyagoo sheegay inay Soomaaliya ka fulinayaan mashaariic kala duwan oo dhinaca horukmarinta ah.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 



No comments:

Post a Comment