Tuesday, March 11, 2014

Nin Soomaali ah oo lagu Xukumay Dalka Talyaaniga

Napoli, 11 March, 2014 (Himilo)- Booliiska dalka Talyaaniga, ayaa shaaciyey inay xabsiga u taxaabeen nin Soomaali ah oo lagu qabtay mukhadaraad uu ku iibinayey magaalada Napoli ee Koonfurta dalkaas.

Ninkan oo magaciisa lagu soo gaabiyey KHM, da’diisuna tahay 56 jir, ayaa lagu qabtay goob maalmahii u dambeeyey ciidamada booliisku sheegeen inay dabagal ku hayeen oo la yidhaahdo Piazza San Francesco.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa la sheegay inuu ka yimi xaafada St. Anthony ayaa soo qaabilay nin kale oo mukhaadaraadka uu siday iibsanayey, ka hor intaan ciidamada booliisku gacanta ku dhigin.

Ninkan oo maxkamad la soo taagay ayaa lagu helay dembiga lagu soo eedeeyey, waxaana lagu xukumay xabsi gaadhaya sannad iyo badh iyo ganaax lacageed oo dhan Afar kun oo Liire.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment