Ka dib markii uu mas weyn, gaar ahaana nooca loo yaqaano Kobraha uu ku soo duldhacay diyaarad rakaab ah oo ay leedahay Dawlada Masar oo ay saarnaayeen rakaab u dhashay dalka Urdun. taas oo ku Khasabtay Duuliyihii Diyaarada inuu si khasab ah u fadhiisiyo Madaarka Qurdaqa.
Waxa ay sheegtay Jariiradda Al-Masari- Yawm, in dadkii rakaabka ahaa ee u dhashay Urdun ay waxyeelo kasoo gaadhay Suntii Maska, intii lagu gudo jiray Qabashadiisa.
Waxaana dadkii badiba loola cararay Cusbitaalka oo muddo 24-sacadood ah lagu hayay.
Wararka hor dhaca ah ee haatan ay warbaahinta masaaridu soo tabinayso ayaa sheegaya in la xaqiijiyay inuu maskii wali ku dhex jiro Diyaaradda dhexdeeda. waxaana haatan socda isku dayo xoogan oo lagaga soo saarayo Maska Diyaaradda, maadaama oo uu dhamaan halkaa yaalaan agabkii rakaabku.
Dadka ka shaqeeya gurmadka deg dega aha, ayaa ku guulaystay inay guud ahaanba rakaabka kasoo badbaadiyaan oo ay kasoo saaraan diyaaradda Dhexdeeda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment