Sunday, March 2, 2014

Sagaal arrimood oo sabab u noqda Wadne-xanuunka




Xanuunada ku dhaca wadnaha,ayaa noqday kuwo ihtimaam badan la siiyo wakhtiyadan ugu danbaysay guud ahaanba caalamka. gaar ahaana,waddamada loo yaqaano Super Powers-ka ee dhinaca Warshedaha ka horumaray. waxaana Ururka Dawladda Maraykanka u qaabilsan xanuunadda ku dhaca Wadnuhu uu soo saaray  warbixin ka hadlaysa muhiimadda ay leedahay in hoos loo dhigo tiradda uu soo ridanayo Cudurkani, iyada oo la adeegsanayo Wacyi-galin baalaadhan oo dadka loo samaynayo. gaar ahaana kuwa ku nool Dhulka Wershadlayda ah.


Hay’adda dunida u qaabilsan  Caafimaadka Adduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano WHO, ayaa sheegtay in xanuunadda ku dhaca Wadnaha iyo xididada dhiiga qaada sida Halbawlayaasha iyo Aroorayaasha ay yihiin 30% guud ahaanba dadka caalamka geeriyoodaa ay u geeriyoodaan Wadne Xanuun ama mid ku yimid xidida dhiiga qaada ee jidhka bini’aadamka.


Haddaba akhriste halkan kaga bogo 9-shay oo sabab u noqda in qofka uu lasoo darso wadne xanuun ama xanuun ku dhaca xididada dhiiga qaada.


Waxaana ay kala yihiin:


1- Kor u kac ku yimaada heerka Kalastaroolka cufnaantiisu ay hoosayso ee jidhka dhibaatada u keeno, iyadda oo ay  dhacayso  hoos u dhac ku yimaada heerka Kalastaroolka jidhka u fiican.


2- Qofka oo uu asiibo xanuunka macaanku. kaas oo aan qaadan daaweyn nidaamsan oo dhamaystiran.


2- Cadaadiska dhiiga oo kor u kaca.


3- Baruurta gaar ahaana ta kasoo baxda Caloosha hareeraheeda.


4- Jiritaanka hab dhaxaltooyo oo caruurta usoo gudbinaya Xanuunka oo Aabuhu ama Hooyaddu qabto.


5- Qofka oo aan jimisci badan  samayn.


6- Qofka oo da’ gaadha.


7- Sigaarka.


8. Waxa kale oo uu ku gudbi karaa Jinsi ahaan.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment