Muqdisho, 05 March, 2015 (Himilo)- Midawga Afrika ee AMISOM, ayaa taageeray go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku qaaddacday sharcinimada Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed ee dalka Soomaaliya, kaasoo Isniintii Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen loogu doortay shir Maamulkaas lagu dhisayey oo muddo ka socday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ergayga Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya Maxamed Saalax Anaadiif, ayaa lagu sheegay in AMISOM ay taageerayso go’aanka Maamul-u-sameynta gobollada dalka ee waafaqsan Dastuurka Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya oo sharraxaya shaxda federaalka iyo qaabka Maamu-u-samaynta laba gobol iyo wixii ka badan ee is-raaci kara.
Danjire Maxamed Saalax Anaadiif, ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay taageerayaan halka ay dowladda Soomaaliya iska-taagtay shirarka iska horjeeda ee Baydhabo ka socda, isagoo xusay in AMISOM ay ku taageerayso dowladda qorshayaasha ay ku sameynayso Maamullada gobollada dalkeeda.
“AMISOM waxay taageeraysaa go’aanka dowladda ee ku aaddan Maamul sameynta gobollada dalka ee waafaqsan dastuurka dalka. Sidoo kale waxaan taageeraynaa heshiiskii bishii Ogoosto lagu gaadhay Addis Ababa, waxaana dhinacyada ay quseyso arrinta Maamul-u-sameynta aan ugu baaqaynaa inay ilaaliyaan xasilloonida; isla markaana ay ku saleeyaan maamul sameynta dastuurka dalka u degsan.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Ergayga Midawga Afrika (AMISOM) u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Dajire Anaadiif.
Ergaygu wuxuu intaas ku daray in mid ka mid ah shirarka ka socda Baydhabo lagu dhisay Maamul-goboleed ka kooban lix gobol, isagoo ka digay in arrintaasi ay muran dhinaca Siyaasadda ah dhaliso. Waxaanu ku dooday inay Ciidammada dowladda iyo AMISOM iska kaashanayaan inay ka hortaggaan qalalaase kasta oo dhaca iyo wax kasta oo iska-hor-imaad siyaasadeed abuuri kara ama dhalin kara.
Ugu dambeyn; wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku shirsan Baydhabo inay ka fogaadaan wax walba oo nabadda carqalad ku keeni kara, isagoo sidoo kale ku baaqay in dhammaan dhinacyada Soomaalida ay furan shirar go’aanno looga gaarayo muranka siyaasdeed ee jira.
Hadalka Ergayga Midawga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya shalay ka soo baxay, ayaa yimi wakhti ay dawladda Soomaaliya qaaddacday Maamulka Madaxweynaha loo doortay ee gobollada Koonfur-galbeed Isniintii toddobaadkan lagaga dhawaaqay mid ka mid ah Shirarka ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kaasoo Madaxweyne loogu doortay Madoobe Nuunow Maxamed oo Xildhibaan iyo Wasiir kasoo noqday dowladihii Ku-meel-gaadhka ahaa ee Soomaaliya soo maray.
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa isaguna habeen-hore qoraal uu soo saaray ku soo jeediyey in wax walba laga horreysiiyo nabadgelyada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ay dawladdu dedejiso dhammaystirka nidaamka federaalka Soomaaliya oo uu xusay Shirka Baydhabo ee Maamulka lagaga dhawaaqay muujinayo sida ay dadku ugu oomman yihiin nidaamka ismaamulka iyo federaalka.
Maamulka lagaga dhawaaqay shirka Baydhabo ee Isniintii Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed loogu doortay Madoobe Nuunow, ayaa lagu sheegay inay ku midansan yihiin lixda gobol ee Bay, Bakool, Gedo, Shabeellaha dhexe, Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose, iyaga oo gobollada Gedo iyo Jubbooyinku hore u wada samaystay Maamulka Jubaland, inkastoo shirkii lagu dhisay dad gobolladaas metelayey ay qaaddaceen.
Sidaa awgeed, ayey dawladda Soomaaliya ku doodday in gobollada Maamulka Baydhabo lagaga dhawaaqay la sheegay inay ku midaysan yihiin inay qaarkood Maamul leeyihiin, isla markaana uu keeni karo Maamulkaasi iska-horimaad siyaasadeed iyo nabadgelyo-darro aan loo baahnayn, sidaa awgeedna ay sheegtay inaanay aqoonsanayn oo ay qaaddacday sharcinnimada Maamulkaas oo ay ku tilmaantay inaanu waafaqsanayn Nidaamka Federaalka ee Dastuurka Soomaaliya u degsan ee Ku-meel-gaadhka ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment