Wednesday, March 5, 2014

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Bilowday Sahan lagu Dersayo Tilmaamaha iyo Xakamaynta Duumada

Hargeysa, 05 March, 2014 (Himilo)- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa bilowday sahan Qaran oo ay ku samaynayso tilmaamaha cudurka Duumada ka marayo dalka, kaasi oo lagu ururinayo xog lagu qiimaynayo barmaamujyada xakamaynta Duumada.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cusmaan Xasan Warsame oo ay wehelinayeen Madaxa la-dagaallanka Duumada Dr. Cabdi Cabdillaahi iyo Cawil X. Cali Guure oo ka tirsan madaxda hay’adda UNICEF, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta wasaaradda shalay kaga dhawaaqay sahankan duumada oo si rasmi ah u bilaabmay isla shalay, socon-na doona ilaa 14-ka bishan.

Qoraal Wasaaradda Caafimaadku ku faahfaahisay sahanka duumada iyo ujeeddooyinka ay ka leedahay oo warbaahinta loo qaybiyey, waxa uu u dhignaa sidan:-

Waa maxay Sahanka Tilmaamaha Duumadu?

-  Waa sahan Qaran oo loogu talogalay in laga helo xog lagula socdo, laguna qiimeeyo barmaamijyada xakamaynta Duumada

- Waxa la adeegsanayaa xog-waraysi masuuliyiinta qoysas si bakhtiyaanasiib ah looga doortay goobaha masaalka ah iyo haweenka da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 49 sanno jir eek u nool qoysaska la xulay

-  Wuxuu ku salaysan yahay agabka caamka ah ee khubarada Duumadu ay dajiyeen o lagu dabaqay baahida dalkeenna.

Ujeeddooyinka guud ee Sahanka Tilmaamahaa Duumada:

1. Wuxuu cabbirayaa heerka laga gaadhay hakinta iyo dib-u-celinta Duumada iyo gaadhitaanka himilooyinka horumarka

2.  In la soo ururriyo xog asaasiya oo lagula socdo maalgelinta dheeraadka ah iyo hirgelinta hannaanka qaran ee Duumada sida ururinta heerka maro-kaneecada daawaysan, buufinta ku hadhaysa guriga gudihiisa, daawaynta isku dhafan

3.  In la soo ururiyo xog loo isticmaalo in la ogaado heerarka kala duwan ee gudbinta Duumada ee waddanka gudihiisa.

Ujeeddooyinka khaaska ah ee Sahanka Tilmaamaha Duumada ee Somaliland:

1. In la soo ururiyo xog dhammaystiran oo ku saabsan heerka uu gaadhsiisanyahay adeegyada ugu muhiimsan ee waxqabadyada cudurka Duumada eek u jiray Qarshaha Duumada ee Qaranka (waddanka) sida; Maro-kaceennada daaweysan, buufinta guriga gudihiisa ku hadhaysa iyo daaweynta isku dhafan.

2. In la sameeyo baadhitaanka go’aan gaadhista degdegga ah ee Duumada iyo shaybaadhka dhiigga ee waynaysada (Microscope) si loo qiimeeyo heerka dulinka Duumada ee dhiigga ku jira dhammaan dadka ku nool 20 qoys oo la xulay oo dhan da’ kasta ha ahaadeene.

3. in la sameeyo sahanka baadhitaanka dhiigga iyadoo la isticmaalayo Filter Paper si loo ogaado heerka dulinka duumada ee daris-ku-noolaha falciparum iyo Vivax ee dhammaan dadka da’day doonaan ha ahaadeen, iyadoo la baadhayo 5 qoys oo keliya 20-ka qoys ee la xulay kalastar kasta, sida guriga 1, 5, 10, 15 iyo 20 aad.”

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment