“Somaliland la fadhiisanaysa Puntland oo xuduud kala hadlaysaa ma jirto, wax naga khuseeyaana ma jirto wadahadal aan Puntland kala yeelanno xuduud oo...”
“Way jiraan qoraallo badan oo Talyaaniga aannu u gudbinnay, ma garan karo qoraalka aad xiganayso, laakiin, Safiirka Talyaanigu dhawaan halkan ayuu noogu yimi..
“Waxa kale oo la magacaabay labadii xubnood ee Xoghaymaha fadhiisan doona dalka Turkiga, waxaanan jawaab ka sugaynaa Turkiga..” – Wasiirka Arrimaha Dibadda – WARAYSI GAAR AH
Hargeysa, 08 March, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inaanu wax wadahadal iyo wada-xaajood ah oo ku saabsan xuduudaha dhex-mari kariniyada iyo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, isla markaana waxay Xukuumaddu tafaasiil ka bixisay Saraakiisha Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya oo fadhigoodu noqon doono Hargeysa iyo weliba ujeeddada Safiirro dalal kala duwan ka socda oo dhawaan Hargeysa socdaallo ku yimi.
Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa deedefeeyey kuna tilmaamay riyo hadal Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland ku sheegay inay wada-xaajood kala yeelanayaan Somaliland khilaafka xuduudaha ee u dhexeeya, isla markaana xaqiijiyey in Saraakiisha Safaaradda Ingiriiska ee qaabbilsan Somaliland fadhigoodu dalka noqon doono.
Wasiir Biixi oo xalay Wareysi Gaar ah siiyey Wargeyska HIMILO, ayaa sheegay inay magacaabeen laba xubnood oo khubaro dhinaca hawada ah, sidoo kale Soomaaliya-na magacaabeen xubnahooda dhawaanna kulammo ka yeelan doonaan sidii Maamulka Hawada ee Somaliland iyo Soomaaliya loo wadaagi lahaa. Su’aalahii lagu weydiiyey Waraysigaas iyo jawaabhii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan:
S: Muxuu ku saabsanaa ujeeddada socdaal Masuuliyiin ka socday Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya iyo Safiirka dalka Belgum u fadhiya Kenya ku yimaaddeen Somaliland?
J: Qolada Saraakiisha Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya waxay u yimaaddeen Wasaaradaha ay caawiyaan, lamaan kulmin oo may ogeyn inaan dalka joogo, markaa way isoo waceen. Dabcan mar walba way yimaaddaan, Arbacada-na way soo noqonayaan, waxa la doonayaa inay halkan si joogto ah u joogaan. Safiirka Belgum wuu noo yimi, waxay ahayd markii koowaad uu yimaado, waxaan doonaynaa inaan cilaaqaad fiican la yeelano dalka Belgum, waxaan ku casuumnay inuu dib ugu soo laabto dalka.
Waxaan ka wadahadalnay dhinaca Ganacsiga iyo inuu soo casuumo Ganacsatada waddanka Belgum, maaddaama Somaliland nabad tahay, aad buu ula dhacay nabadda taalla, markuu u qiyaaso waxa Xamar ka socda. Dhinacyo badan oo maalgashigiisa ay xiisaynayaan ayuu noo muujiyey, waxaan doonaynaa inaan cilaaqaadka noo dhexeeya waddanka Belgum sii xoojinno.
S: Dhowaan Wasaarada Arrimaha Dibedda Talyaanigu waxay sheegeen in Somaliland doonayso balaadhinta iskaashiga ay wadaagaan, waa maxay iskaashiga xilligan labada dhinac wadaagaan, yaa u gudbiyey qoraalkaa?
J: Way jiraan qoraallo badan oo Talyaaniga aannu u gudbinnay, ma garan karo qoraalka aad xiganayso, laakiin, Safiirka Talyanaigu dhawaan halkan ayuu noogu yimi, markii koowaad waannu kala hadlannay inaan cilaaqaad wanaasan yeelanno, oo waxtar ka geystaan horumarka Somaliland, dhinaca Xoolaha waxbay ka qabtaan, immikana shan Sarkaal oo Booliis ah ayaa waddankaa u baxay oo tabobbar ku soo qaadanaya. Waxaan doonayna inaan waddan walba cilaaqaad fiican la yeelanno, soo dhaweyno oo albaabbada u furno cid walba sidii ay wax innoola qaban lahaayeen. Markaa, Talyaanigu waa waddamada aannu doonayno inaannu wax la qabsanmo, iyaga, Yurub-ta kale guud ahaan waddamada caalamka. Markuu noo yimi Safiirka Talyaanigu waxuu aad ugu farxay nabadda waddanka taal, dadkuna badankoodu waxay aad u tixgelinayaan nabadda iyo horumarka aynu samaynay.
S: Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas, waxuu sheegya in la gaadhay wakhtigii wada xaajood lagu dhammayn lahaa khilaafka u dhexeeya Somaliland, sideed u aragtaan hadalkaas?
J: Walaahi, hadalka Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland macno weyn uma arko, ma jiro xuduudo ka dhexeeya Somaliland iyo Puntland. Wuu ogsoon yahay, caalamka oo dhamina wuu ogyahay in Puntland tahay gobol ka tirsan Soomaaliyadii hore ee Talyaanigu xukumi jiray, xuduud la yaqaanno ah, oon ahayn mid immika la sameeyey ama la samaynayo. Wax Somaliland ka khuseeya hadallo uu meelahaa ka yidhaahdo Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland ma jirto, isla markaana Somaliland la fadhiisanaysa Puntland oo xuduud kala hadlaysa ma jirto. Isku xuduud ma nihin oo waddamo kala gaar ah ayeynu nahay, hadduu cid kala hadlayo waa Xamar. Annaga iyo Puntland oo Soomaaliya ka tirsan waxa naga dhexeeya jaarnimo sida waddamada Itoobiya iyo Jabuuti aannu ula leenahay jaarnimo.
Markaa, wixii iskaashi ah qolo kasta sida Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya diyaar ayaan ula nahay, waxii nabadgelyo ah inaan ka wada shaqeyno. Dawladihii ka horreeyey Cabdiweli way ogsoonaayeen, isaga iyo dawladda Xamar-na way ogsoon yihiin inaanay jirin wada-xaajood ku dhex-mari kara xuduud u dhexeysa Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland oo gobol Soomaaliya ka tirsan ah. Wax naga khuseeyaana ma jirto wadahadal aan Puntland kala yeelanno xuduud.
S: Go’aamadii lagu gaadhay wada-xaajoodkii Somaliland iyo Soomaaliya ee Turkiga miyey jabeen, illayn weli lama magacaabin Guddigii wada-jirka Maamulka Hawada, waa maxay faa’iidada wareega soo socda, haddaan horumar la gaadhayn?
J: Ma jabin go’aamadii lagu gaadhay Turkiga, annagu waannu magacownay labadii Khabiir ee Somaliland metelayey, iyaguna (Soomaliya) way magacaabeen, waad la socotaa Xamar waxa ka taagan, qaraxyo badan ayaa ka dhacay, wareer badan ayaa ka jira, waxaan filayaa in dhawaan la isugu yeedhi doono, way socotaa, wax dhib ah oo hawshaa ka taagani ma jirto. Wasiirka qaabbilsan hawshaa wuxuu ahaa ka nabadgelyada waad garan kartaa culayska haysta. Laakiin, wax iska beddelay ma jiraan hawshaas hawada. Waxaan isku raacnay in laba qof dhinacyadu magacaabaan oo isku soo dubba-rida sida hawsha hawada iyo Maamulkeeda loo wadaagi ka dibna ku soo celiya Wasaaradaha qaabbilsan. Waxa kale oo la magacaabay labadii xubnood ee Xoghaymaha fadhiisan doona dalka Turkiga, waxaanan jawaab ka sugaynaa Turkiga.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment