Saturday, March 8, 2014

Dawladda Ingiriiska oo laga dalbaday inay Ballan-qaad ka Bixiso Taageeradooda Somaliland iyo Jawaabta ay ka bixisay

London, 08 March, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Ingiriiska ee uu hoggaamiyo Reysalwasaare David Cameroon, ayaa loo jeediyey inay ballan-qaad rasmi ah ka bixiso taageerada dhaqaale ay siiso Somaliland.

Arrintan ayaa lagu soo qaaday Kulan maalintii Khamiista ee dorraad uu baarlamaanka dalkaasi xubno ka tirsan Xukuumadda raysal-wasaare David Cameroon ku weydiinayeen su’aalo la xidhiidho siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Taageerada ay dawladdaasi u fidiso waddamo ka tirsan dunida saddexaad.

Xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Shaqaalaha (Labour Party), ayaa ka codsaday xukuumadda Ingiriiska ka codsaday inay ballan-qaaddo sii-socoshada taageerada dhinaca horumarka ee la siiyo Somaliland, iyada oo fadhiga uu ku sugnaa Wasiirka Mucaawimooyinka Caalamka u qaabilsan dalkaas.

Xildhibaan Stephen Doughty ayaa weydiiyey Wasiirka Horumarka Caalamiga su’aal u dhignayd: “Inkastoo xukuumadda Ingiriisku fiiro dheer siiso taageerada horumarka Soomaalida, Xoghaye, ma I siin kartaa ballanqaad inay DFID (Hay’adda Horumarka Caalamiga ah u qaabilsan) sii wadi doonto taageerada muuqata ee la siiyo Somaliland?”

warlka labaad (2)Wasiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Horumarka Caalamiga ah Justine Greening oo ka jawaabayey su’aasha Xildhibaanku weydiiyey, ayaa sheegay in dawladdiisu samaysay sanduuq Horumarineed oo Somaliland u gaar ah.

“Xildhibaanka hadalkiisu waa sax, dhab ahaan Ingiriiska xidhiidh taariikhi ah ayuu la wadaagaa Somaliland. Waxaan diyaarinay sanduuqa horumarinta Somaliland, waanan ku faraxsanahay inaan faahfaahin dheeraad ah ka siiyo xildhibaanka. Waxaan fursad u helay inaan sanduuqan kala sheekaysto Jaaliyadda, wakhti aan ka qeybgalay xaflad ka dhacday Ealing dhowaan,” ayuu yidhi Mr Justine Greening.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment