Dagaal xooggan oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay ayaa ka dhacay dibedda degmada Xudur, iyadoo dagaalka ka dib ay Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen degmada Xudur. Taliska AMISOM ayaa xaqiijiyay in Xudur ay gashay gacanta Ciidammada AMISOM ee Itooviya iyo kuwa dawladda Soomaaliya oo iskaashanaya, iyadoo aanay jirin faahfaahin intaas ka badan oo ay bixisay AMISOM iyo dawladdu toona.

Ma cadda khasaare nafeed oo ka dhashay dagaalka oo ahaa mid culus, waxaanayn ku soo beegmaysaa qabsashada degmada Xudur iyadoo xoogagga Al-shabaab ay habeen-hore dib ugu laabteen degmada Rabdhuurre ee gobolka Bakool oo maalin ka hor ay kala wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda.
“Degmada Xudur waxaa la wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, mana arag wax khasaare ah oo dagaalkii dhexmaray ka dhashay.” ayuu yidhi goob-jooge ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool oo Warbaahinta Soomaaliya qaar ka tirsan la hadlay shalay.
Al-shabaab ayaa iyaduna xaqiijisay in Ciidammada Itoobiya iyo kuwa dowladda ay si naf-la-caarinnimo ah kula wareegeen gellinkii dambe ee shalay degmada Xudur ee gobolka Bakool. Iyagoo sheegay inay ciidamada Itoobiya gudaha degmadaas kula beegsadeen qaraxyo khasaare geystay.
Itoobiya iyo dalal kale oo Afrikaan ah ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidammo gacan ka siinaya dowladda Soomaaliya dagaallada ay kula jirto Al-shabaab, iyadoo howlgalladan oo ah kuwo cusub lagu sheegay in dalka oo dhan ay ku qabsadaan.
Tan iyo sannadkii 2011, waxaa Al-shabaab laga qabsaday degmooyin badan oo ay ka talinayeen, iyadoo howlgallada ay horkacayaan Ciidammada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ay ka wadaan Koonfurta Soomaaliya yihiin kuwo kusoo beegmay xilli Madaxda dawladda Soomaaliya ay ku dhawaaqeen in sannadkan uu noqonayo sannadkii Al-shabaab laga saari lahaa Soomaaliya oo dhan.
Ciidammada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM ee ka socda dalka Itoobiya, ayaa ku wajahan degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool, iyadoo Al-shabaab-na ay isku dayayso inay difaacan doonto degmadaas.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment