“Waxa ka reebban dawladaha hoose ee dalku inay bixiyaan, sharciyeeyaan dhulka hore loogu aqoonsaday danta guud ee laga jaray beeraha dadwaynaha…” Wasiirka Hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed
Hargeysa, 11 March, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa shalay soo saaray Wareegto uu ku amrayo Maayerrada Magaalooyinka iyo Guddoomiyeyaasha gobollada dalka inaanay bixin karin, sharciyey karin, sife kalena u isticmaali karin dhulka danta guud ee laga jaro Beeraha Muwaaddiniinta magaalooyinku gaadheen dhulkooda.
Wasiirka hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka oo isagoo daba-socda Xeer uu Madaxweynuhu soo saaray Sabtidii toddobaadkan, kaasoo uu ku sheegay in dhulka iyo guryaha dawladda lagu soo celiyo gacanta dawladda, waxa uu isaguna shalay soo saaray Wareegto uu arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlayo, waxaanay u dhignayd sidan:-
“Ku Dhammaan Guddoomiyeyaasha Golayaasha Deegaanka (MAAYERRADA)
KU: Guddoomiyeyaasha Gobollada dalka
Ku Mulkiileyaasha Dhulka Beeraha ee magaaladu gaadhay
Og: Agaasimaha guud ee Waasaaradda Hawlaha guud, Guryeynta iyo Gaadiidka
Og: Taliyaha gCiidanka Booliska Somaliland
Og: Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha
Og: Guddiga Heer Qaran ee iibka Dhulka iyo Dhismayaasha dawladda
Og: Guddiga Heer Qaran ee Nashqadaynta Qaranka
Og: Madaxweynaha JSL
“UJeeddo: Joojinta Sharciyeynta iyo qorshaynta dhulka bannaan ee magaalooyinka dalka iyo bixinta danaha guud:-
Wasiirka hawlaha guud, guryeynta iyo Gaadiidka ahna Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Nashqadaha guud iyo Guddoomiyaha Guddiga dib-u-soo-celinta gacan-ku-haynta iyo tasarrufka dhulka iyo guryaha dawladda.
Markuu arkay qodobka saddexaad, afraad iyo shanaad ee Xeerka dhulka ee Xeer No: 17/2001. Markuu arkay qodobka 8-aad ee isla Xerka dhulka oo qoraya jago bixinta ka reebban dawladaha hoose farqaddiisa 1-aad oo u dhigan sidan:- (Maamulka dawladda hoose waxaa ka reebban inay bixiso dhul ku yaalla meelaha Macdanta, Dhul-beereedka, Xeebaha iyo Meelaha danta guud loo qorsheeyey) iyo farqaddiisa 2-aad.
Markuu arkay: qodobka 43-aad ee Xeerka Ismaamulka gobollada iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, farqaddiisa 2-aad ee qeexaya waxaa ka reebban Guddi-hoosaadyada una qoran sidan:- (Guddi-hoosaadyada Golaha Deegaanka waxaa ka reebban inay saxeexaan Dokument la xidhiidha dhul-bixinta.
3. Waxa ka reebban dawladaha hoose ee dalku inay bixiyaan, sharciyeeyaan dhulka hore loogu aqoonsaday danta guud ee laga jaray beeraha dadwaynaha.
4. Inaan la iibin Karin, la hibeyn Karin, la isku wareejin Karin, lana dhalan rogi Karin dhismayaasha dawladda sida ku cad Wareegtada Madaxwaynaha JSL ee dib u celinta gacanta ku haynta ee ku tasarufka dhulka iyo guryaha dawladda, ciddii ku kacda arrimahan qodobkaasi ku qoranna kuma yeelan doonto magdhow Xukuumadda.
Qoraalka oo dhaqangalaya maanta (shalay) oo uu saxeexay Wasiirka WHG/G/gaadiida, waxa lagu war-galinayaa hay’adaha dawladda ee ay khusayso iyo mulkiilayaasha beeruhu inay dhowraan, isla markaana ilaaliyaan sharciga iyo Xeerarka dalka u yaalla.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment