Hargeysa, 11 March, 2014 (Himilo)- Xukuumada Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay qaaddacday, isla markaana aanay qaadanaynin Lacag soo martay gacanta dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ka dib markii Baanka horumarinta Afrika baahiyey inuu dhaqaalaha uu ku caawinayo Mashruuca Xog-ururinta Somaliland uu soo mariyey Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa War-Saxaafadeed qoraal ah oo uu shalay galab soo saaray ku sheegay inaanay dawladda Somaliland diyaar u ahayn qaadashada dhaqaale soo maray gacanta dawladda federaalka Soomaaliya. Waxaanu intaa ku sii daray inay Somaliland qaadan karto keliya dhaqaale uu Baanku si toos ah ugu soo gudbiyo, isaga oo sheegay tallaabadan Baanka horumarinta Afrika ku dhaqaaqay inaanay ahayn mid ay isku ogaayeen ee ay hore uga wadahadleen, islana meel dhigeen qorshe kaas ka duwan.
Qoraalka War-Saxaafadeedka Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire soo saaray oo faahfaahsani waxa uu u dhignaa sidan:- “Cadayn: Mawqifka Deeqda Bangiga Horumarinta Africa:
Annaga oo tixraacayna qodobka koowaad ee xayeysiis la soo geliyey Website-ka Bangiga harumarka Afrika (African Development Bank) ee ku suntan taariikhda 7/3/2014-ka, kaas oo leh ‘Waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ka heshay Bangiga Harumarinta Afrika lacag’ taasoo lagu tayeynaayo xog-ururinta Somaliland..’, Waxaannu halkan ka caddaynaynaa in lacag gacanta Dawladda Federalka Soomaaliya soo martay aanaan qaadanayn.
Mashruucan hadalkiisu wuxuu soo socdey muddo laba sannadood ah. Fahamkayagu wuxuu ahaa in Bangigu lacagta mashruuca ku baxaysa gacanta ku haynayo, oo aanay gacan kale geleyn, Khabiirrada loo baahanyahayna ka wada hawl-geleyno.
Waannu soo dhoweynaynaa taageerada Bangiga, laakiin taageradaasi waa in aanay gacan waddan kale soo marin ee gacantiisa ka soo baxdo.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment