
Sida lagu baahiyey wargeyska Politico qorshahan ayaa fashilmay ka dib markii ninkan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Aniis uu ka xog-warramay wixii qabsaday.
Ninkan oo ka sheekaysanaya siduu u fashilmay musaafirn khasab ah oo wasaaradda Arrimaha Gudaha Ingiriisku ku fulisay, ayaa yidhi, “Usbuuc ka hor waxa laygu xidhay xarunta Morthon Hall, waxa lay sheegay in dib laygu celin doono Soomaaliya.
Waxaan idhi: fadlan dib hay celinina. Waa lay dilayaa hadaan ku laabto xaggaa; Hadaad igu celinaysaan Muqdisho, halkan igu dila,” ayuu yidhi Ninkani.
"Jaaliyadii Soomaalida qofna ima rumaysan. Waxay sheegeen: Caqli-gal maaha in qof maganqelyo-doon ah dib loo celiyo,” ayuu sheegay inay kula doodeen dadkii uu arrintiisa u soo sheegay.
Aniis oo ka sheekaynayey bilowgii qorshaha mastaafurintiisa iyo sidii uu u fashilmay, waxa uu yidhi, "Waxay ii yimaadeen aroortii xigtay. Waxay ii sheegeen: waad tegaysaa, diyaar garow, anna waan diiday, Khasab ayey igu kaxeeyeen. Waxay gacmaha igaga xidheen katiinad. Saddex nin ayaa I kexeeyey, waxaan khasab ku fuulay bas taagnaa."
Baskii waxa uu I geeyey madaarka, waxaana lay saaray diyaarad ku socotay Turkiga. Xagga dambe ayey I fadhiisiyeen. Rakaabku way I arkayeen, balse caawimo kama helin,” ayuu sheegay ninkani.
Markii diyaaradu fadhiisatay caasimada Istanbul, Aniis iyo ragii wehelinayey waxa qaabilay saraakiil Turki ah. "Waxaan u sheegay inaan afduub ku jiro, balse qofna iima jawaabin,” sidaa ayuu yidhi Aniis.
Dib-ugu-noqoshadii London
Waxa uu sheegay in qorshihii loo waday in loo tarxiilo magaalada Muqdisho ee Soomaaliya uu mar kaliya isbeddelay ka dib farriin dhinaca telefoonka ahayd oo lagula soo xidhiidhay askartii la soo raaciyey.
"Markuu dhameeyey hadalkii ayuu yidhi qorshahii waa la beddelay, waxaan ku laabanaynaa London.”
Laba maalmood ka hor wakhtigii Aniis duulimaadkiisa Turkiga ayaa qareen loo ogolaaday ku guulaystay inuu dib u eegista kiiska Aniis jawaabteedii helo, taasoo baajisay safarkii Muqdisho lagu geyn lahaa.
Aniis waxa uu sheegay inay isaga iyo askartii wehelinaysay ku laabteen magaalada London saacad iyo badh ka dib xilligii ay fadhiisteen madaarka magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
In kasta oo Aniis dib loogu celiyey magaalada London, wakhtigan nool si xor ah uma noola, waxaanu ku jiraa xabsi ku yaala magaalada London.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment