Tuesday, March 11, 2014

Madaxweynaha Somaliland oo dhagax dhigay dhismaha jidad cusub oo laga hirgalin doono gobolada galbeedka Somaliland isla markaana waxa uu xadhiga ka jaray ……….

Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maanta socdaal hawleed ugu kicitay  gobolada galbeedka Somaliland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey   gobolada Gabiley iyo Awdal.

Madaxweynaha Somaliland ayaa muddodii uu ku sugnaa xarunta gobolka Gabiley waxa uu dhagax dhigay waddo 18km ah oo isku xidhi doonta kala Baydh Iyo Dilla.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay dhagax dhiga wadadan ayaa waxa uu sheegay  inay ahmiyad balaadhan u leedahay, waxaanu ka xogwaramay  doorka xukuumaddiisa ee dhismaha wadooyinka waxaanu yidhi “waxaynu ku faanaynaa waddooyinka aynu samaynayno  oo dalkeena iyo dadkeena wax u taraya, insha allah halkaas ayeynu ka sii wadi doonaa wixii kale ee  aynu dadkeena u qabanayno.

sidoo kale madaxweynaha somaliland waxa uu  xadhiga ka jaray  waddo isku xidhi doonta Dilla Iyo Boorame taas oo dib u dhis baladhaani ka socday muddooyinkii ugu danbeeyey.

Sidoo kale wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xasan oo ka mid ah waftiga madaxweynaha ayaa waxa uu ka waramay wadadan uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray waxaanu yidhi “madaxweyne halkani waa mashruucii cusbaa ee ay inoogu deeqeen Somaliland development ee ay lacagteeda inoogu deeqeen EU-da, laba meelood ayaanay innaga bixiyeen midina waa tan aynu maanta joogno ta kalana waxa weeyaan Lafa Ruug ilaa Sheekh,.” Ayuu yidhi wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan

ka dib markii uu madaxweynaha somaliland dhagax dhigay wadada isku xidhaysa kala Baydh iyo Dilla waxa uu gobolka Gabiley u kicitimay  dhinaca xarunta gobolka Awdal Ee Boorama,

 

Madaxwayne Siilaanyo ayaa markii uu soo gaadhay gobolka Awdal si wayn loogu soo dhaweeyay, waxana ka hor tagay Maamulka Gobolka kan degmada, xildhibaanada golaha deegaanka Boorama, Madaxda hayada ASARDA oo martiqaadka madaxwaynaha iska lahaa, salaadiin, culimo-awdiiin, waxgarad iyo dadwayne aad u tiro badan.

 

Madaxwaynaha ayaa waxa uu maanta xadhiga ka jaray jid taariikhi ah oo dhererkiisu dhan yahay 24km kaasi oo isku xidhaya magaalooyinka Dila iyo Boorama, kaasi oo ay xukuumaddu intiisa badan maalgalisay dhismahiisana ay gacanta ku haysay hay’adda hormarinta jidadka Awdal iyo Salal ee ASARDA. Sidoo kale waxa uu Madaxwaynuhu isla maanta dhagax dhigay jid kale oo mustaqbalka la dhisi doono kaasi oo isku xidhi doona Magaalada Boorama iyo Magaalada Lawyacado ee xuduuda Somaliland iyo Djibouti.

Madaxwayne Siilaanyo iyo Wafdigiisu waxa ay ka qayb galeen madal balaadhan oo si wayn loo soo agaasimay, oo ka qabsoontay hoolka Jaamacada Camuud, waxana halkaasi ku kulmay haldoorka gobolka Awdal oo dareensan in maalintan ay tahay maalin taariikhi ah oo ku suntan dhamaadka jid muddo dheer loo baahnaa oo dhismihiisu dhamaaday.

 

Madashan ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Hayada ASARDA Md. Cabdilaahi Xaaji Ciise waxana uu ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu jidkani soo maray waxana uu yidhi “Mudane Madaxwayne waa noo farxad inaad maanta xadhiga ka jarto dhismaha jidka Dila iyo Boorama isku xidha oo taariikhda Somaliland markii ugu horaysay ay xukuumaddaadu suura galisay inuu dhismo, hindisaha dhismaha jidkan waxa uu ahaa mid muddo dhawr sano ka hor ah soo bilaabmay, waxaana uu ahaa hami caafimaad qaba oo ku dayasho mudan oo maanta iftiinkiisu uu dalka oo dhan ku baahay, dadka reer Somaliland-na dareensiiyay inay wax qabsan karaan haddii la taageero”

 

“Mudane Madaxwayne waxaan ka marag kacaynaa in 100maalmood ee ugu horeeyay ay xukuumadaadu dhagax dhigtay 4km oo jidkan ah, wixii ka dambeeyayna ay xukuumaddu 12km oo kale ku dartay iyada oo u igmatay hay’adda ASARDA oo ka wakiil ahayd dadka ku dhaqan gobolada Awdal iyo Salal, maantana guul ku dhamaaday. Md. Madaxwayne waxa aan ka marag kacaynaa in jidkan oo dhererkiisu dhan yahay 24km ay xukuumadda aad gadhwadeenka ka tahay dhistay saddex qaybood oo laba qaybood, halka ay qaybta hadhay oo dhan 8km ay dhamaystireen dadka ku dhaqan Awdal iyo Salal oo taageero ka helay qurbojooga, shariikadaha waawayn ee dalka iyo dadwayne badan oo reer Somaliland ah, waxaana aan si wayn ugu mahadnaqaynaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay dhismaha jidkan ee dalka iyo dibadaba wada jooga iyo gaar ahaan Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo isagu xil gaar ah, ixtiraam iyo mudnaan na siiyay muddadii ay shaqadani Socotay, murtiduna waxa ay tahay in Mudane Maxawayne aad tahay shaqsiyada ugu mudan in loo mahadnaqo oo ku dhiiratay dhismaha jidkan iyo dhamaan dhismayaasha kale ee jidadka ee ka socda dalka Somaliland” ayuu yidhi Gudoomiye Cabdilaahi

 

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Abuukar Xuseen Miicaad iyo Xaaji Muumin Jaamac Samaale oo ka mid ah masuuliyiinta hay’adda ASARDA, waxaana ay ku dheeraadeen sida taageeradii ay xukuumadda xisbiga Kulmiye bixisay ay u noqotay mida suura galisay in jidkani uu dhismo, sidoo kalena waxa ay madaxwaynaha uga mahadnaqeen dhagaxdhiga jidka Boorama iyo Lawyacado, waxaana sidoo kale ay dadka ku dhaqan gobolka Awdal ku dhiiri galiyeen inay ka qayb qaataan dhimaha jidka Ceerigaabo oo ay xuseen inuu dalka ahmiyad gaar ah u leeyahay”

 

Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo isaguna waxa uu yidhi “Waxa aan anndaga oo Camuud ah ka marag kacaynaa in xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ay tahay xukuumaddii Waxqabadka, sidoo kalena waxaan sheegayaa in xaalka dalku uu maanta yahay mid wanaagsan gaar ahaan siyaasada arrimaha dibada oo loo magacaabay masuulkii ku haboonaa, waxana aan leeyahay dalka laba dawladood kama wada jiri karaan ee Xukuumadda Kulmiye ha loo daayo hagida siyaasada arrimaha dibada hana lagu taageero”

 

Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa xukuumadda iyo Madaxwayne Siilaanyo ku bogaadiyay waxqabadka ay muujiyeen waxaana uu yidhi “Marwalba oo tartan yimaado waxa badan inta hadalka badinaysa, waxana aan leeyahay Siilaanyo adigu fadhiga isaga tasbiixso, ummaddana u sheeg waxqabadkaaga kuna dheh intana waan qabtay, inta dhimana waan qabanayaa ee sidaas igu doorta, annaguna waan ka marag kacaynaa inaad wax la taaban karo oo waxqabad ah la timid”

 

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ku hadlayay afka Salaadiinta ayaa isaguna sheegay in gun iyo gabagabo ay xukuumaddu tahay mida suura galisay dhismaha jidkan waxaana uu yidhi “Jidkan dhismay waan ka mahadnaqaynaa, waxaana aan leeyahay ama ASARDA ha dhisto, ama ganacsade wax ha ku daro ama cid kale ha ka qayb qaadatee Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisu waa ta suura galisay dhismaha jidkan ee aan uga mahad naqayno, waxa kale oo aan uga mahadnaqayaa dhagaxdhiga jidka Boorama iyo Lawyacado, waxana aan xusuusinayaa inaan hore uga wada hadalnay dhismaha dekedda Lughaya, oo aad taageertay waxaana aan kaa codsanaynaa inaad noo dhagax-dhigto”

 

Masuuliyiin ka socotay shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil Group oo iyagu taageero balaadhan ka gaystay dhimaha jidkan oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay inay ku faraxsan yihiin in jidkii Dila iyo Boorama isku xidhayay uu dhamaaday, isla markaana uu jidkani wax wayn ka tarayo isku socodka dalka gudihiisa ah, sidoo kalena ay hay’adda ASARDA mudan tahay in lagaga daydo waxqabadka”

 

Maayarka Boorama Md Saleebaan Xasan Xadi iyo Badhasaab ku xigeenka Awdal Md. Cabdi Nuur Sugaal ayaa iyaguna xukuumadda ku amaanay waxqabad, sidoo kalena ka marag kacay in hay’adda ASARDA oo ka wakiil ah bulshada goboladan ay astaan u tahay waxqabad ay ummadda Somaliland u bandhigi karto dunida.

 

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancade iyo Wasiirka Gaashaan dhiga Md. Axmed X. Cali Cadami oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka marag kacay in dadka reer Awdal ay yihiin kuwo hormarka iyo ilaalinta qaranimada ku abtirsada, waxaana uu Wasiirka Arimaha guduhu yidhi “Waxa aan ahay Wasiirkii Daakhiliga, waxaana aan indhaha ku hayaa xaalka dalka gaar ahaan dhinaca dambiyada, shaqaaqooyinka iyo arrimaha la halmaala, waxaana aan sheegayaa in Boorama ay kaalinta koowaad kaga jirto dhinaca nabadgalyada”

 

Madaxwaynaha Jamahuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Hadalka soo afmeeray ayaa yidhi “Waxa aan aad ugu faraxsanahay soo dhawaynta balaadhan ee milgaha leh ee aan anniga iyo wafdigaygu kala kulanay dadka ku nool gobolka Awdal, waxaan u mahadnaqayaa hay’adda ASARDA iyo dhamaan hay’addaha kale ku hawlan dhimaha jidadka dalka, waxaan ka marag kacayaa in wadooyinku yihiin halbowlaha koboca dhaqaalaha ee dalka, kuwa sahla is dhexgalka dadka iyo hormarka bulsho, sidaasi aawadeed, xukuumaddaydu waxa ay garawsan tahay arrimahaas oo dhan, waxaana aan hiil iyo hooba ka gaysan doonaa dhimaha jidadka dalka, waxaana aan shacabka ugu baaqayaa in dhinacooda ay ka qabtaan oo ay taageeraan hormarka ay xukuumaddu wado, nabadgalyada adkaynteeda iyo iskuduubnida shacabka Somaliland.

 

Madashan ayaa waxay hay’adda ASARDA abaalbarino shahaado sharaf ah ku gudoonsiisay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ay tilmaameen inuu yahay hormuudka waxqabadka dalka ka socda, Wasiirka Madaxtooyada oo ay carabaabeen inuu taageero balaadhan la barbar joogay dhismaha jidkan dhamaaday, sharkiikadaha Dahabshiil Group iyo Telesom iyo shaqsiyaad kale oo ka qaybqaatay taageero wax ku ool ahna ka gaystay dhismaha jidka Dila iyo Boorama isku xidha ee dhamaaday, iyo Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka Somaliland Md. Xasan Cali CIsmaan oo laga marag kacay hogaankiisii wanaagsanaa ee hay’adda ASARDA iyo sidii uu uga qayb qaatay bilawga jidkan.

 

Sidoo kale waxa shahaado sharaftan xushaha badan ay hay’adda ASARDA gudoonsiisay Ganacsade Maxamed Awsiciid Geedi iyo ganacsade OOMAAR oo taageero qaadhaan ah oo balaadhan ugu deeqay jidka, Shirkada SHABA iyo CAMUUD FOUNDATION oo iyaguna dhankooda ka bixiyay qaadhaano loo baahnaa, Jaaliyadaha reer Awdal iyo Salal ee dalalka UK, Australia Canada,, Imaaraadka Sweden Norway Sudan, Masar, Djibouti iyo Sucuudiga oo shahaado sharafta lagu maasuusay ku mutaystay sidii ay dhagaha ugu fureen baaqyadii ka soo yeedhay hay’adda ASARDA ee ku aadanaa ka qayb qaadashada dhismaha jidkaas,  Xoghayaha IGAD Md. Maxbuub Macalin oo taageero shaqsiyeed oo aad u balaadhan ugu deeqay jidkaasi, iyo Badhasaabkii hore ee gobolka Awdal Md. Maxamuud Sh. Cabdilaahi Cige oo shahaaado sharafta la gudoonsiiyay laga marag kacay inuu ku mutaystay sidii waqtigii ay hay’adda ASARDA socod baradka ahayd, gobolkana ay ka socdeen duufaanadii siyaasadeed ee isbadal doonka ahaa, uu garabka iyo gaashaanka ugu noqday hay’adda ASARDA kana dhigay hay’adda u taagan horumarka kana madax banaan siyaasada.

 

 

 

 

Weftiga Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa ku wehelinayey Marwada 1aad ee Qaranka Marwo Aamina Waris Sh. Maxamuud Jirda, Wasiirada wasaaradaha Madaxtootada, Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibada, Xidhiidhka Golayaasha, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Kaluumaysiga, Beeraha, Warfaafinta, Waxbarashada, Caafimaadka, Gaashaandhiga, Taliyayaasha ciidanka Booliska iyo Qaranka Xildhibaano ka tirsan golayaasha qaranka iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta,

iyada oo safarka uu madaxweynaha somaliland ugu kicitimay gobolada galbeedka dalka ayaa  la filayo inuu lugtiisa ugu horeysay ku  gaadho gobolka Selel gobolkaas oo aanu marna gaadhin mudadii uu xilka qaranka hayey.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment