London 05 March, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Ingiriiska ayey soo waajahday fadeexad siyaasadeed oo kala ay ku kala tagsan yihiin madaxda Ingiriiska, taas oo midkooda sheegayso inaanay ogolaan doonin cuna-qabatayn ama talaabo milateri oo laga qaado dalka Ruushka, sida ay caddeynayaan xogo siyaasadda dalkaas ku saabsan oo warbaahintu shalay heshay.
Xogahan oo la sheegay inay ka feketay Mr. Hugh Powell, la-taliyaha siyaasadda ee raysalwasaaraha dalka Ingiriiska Mr. David Cameron, ayey u suurtowday inay sawiro ka qaateen warbaahintu ka hor kulan ka dhacayey xafiiska raysal wasaaraha.
Xogahan warbaahintu ka heshay Mr. Powell ayaa muujinaya inaan xukuumadda Ingiriisku ogolayn xanibaada hantida maal-gashedayaasha u dhashay Ruushka ee degan magaalada London, balse ku talinaysa in Qaramada Midoobay hormood ka noqdaan kormeerayaal loo diro Ukraine.
Xogahan ayaa la sheegay inay ka horimanayaan hadalo hore oo raysal wasaare Cameron iyo xoghayihiisa Arrimaha Dibedda, Mr Hague, ku sheegeen in Ingiriisku tallaabo adag ka qaadan doono Ruushka.
Afhayeen u hadlay xafiiska Raysal-wasaaraha Ingiriiska oo wax laga weydiiyey helitaanka xogtan feketay, ayaa diiday inuu ka hadlo, balse ku gaabsaday weedho ay ka mid ahaayeen, “Weligayo kama hadalo arrimaha amaanka.” Arrintaasi waxa ay dhalisay inay soo baxaan warar sheegaya La-taliyaha Cameroon lagu cadaadinayo inuu is-casilo.
Xildhibaan Simon Danczuk oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ayaa soo jeediyey inuu iscasilo, sidii hore ugu dhacday madaxii sirdoonka gobolka Scotland ee boqortooyada Ingiriiska oo khalad noocan oo kale isku casilay.
Xogta la helay ee qorshaha Ingiriisku ka damacsan yahay Ruushka, ayey ku jirtaa qodobo xiiso gelinaya aqalka Kremlin ee Ruushka looga taliyo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment