Friday, September 19, 2014

Nin Oday ah Oo Maraykanka u Dhashay Oo Dilay Inantiisii Iyo Lix Carruur ah Oo ay Dhashay

Florida:Sep.19,2014(Himilo)-Nin waayeel ah oo u dhashay dalka Maraykanka, ayaa qudha ka jaray Gabadh uu aabe u ahaa iyo Lix caruur ah oo ay dhashay, waxana arrintaas ka fajacay shacabka Magaalada Florida ku dhaqan.

idoeeNinka Odayga ah ee Falkan argagaxa leh gestay waxaa Magaciisa lagu sheegay Don Charles Spirit, oo 51 jir ah, waxa uuna ninkani toogasho ku dilay Gabadha uu dhalay iyo caruurteeda gaadhaya ilaa lix caruur , waxaana intaa kadib la sheegay in ninkan uu isna is toogtay.

Madaxa booliiska ee deegaanka Gilchrist, oo lagu magacaabo Robert Schultz ayaa sheegay in caruurta uu ninkan laayay ay da’doodu u dhaxayso saddex bilood ilaa toban sano , lamana yaqaan wali sababta uu ninkan falkaasi ugu dhaqaaqay.

Dalka Mareykanak iyo qaar kamid ah Wadamada reer galbeedka waxaa inta badan ka dhaca falal noocan oo kale ah iyo kuwa kasii daran, waxaana inta badan falalkaasi geysta dad la sheegay in nolosha ay ku fashilmeen.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment