Tuesday, September 2, 2014

Ingiriiska Oo Diyaarinaya Sharciyadii Lagu Dhiqi Lahaa Dagaalyahannadooda ku Jira Kooxda ISIS

Lonodon:Sep,02,2014(Himilo)-Ra’isal wasaaraha ingiriiska David Cameron, ayaa Toddobaadkan Baarlamaanka Horgeeyey Qorsheyaal lagula tacaalayo muwaadiniinta dalkaas u dhashay ee kamidka noqday Xoogagga ISIS.

cameDavid Cameron ayaa sheegay in loo baahan yahay in lasii adkeeyo sharciyada hada jira isla markaana la balaadhiyo awooda hay’adaha nabadsugidu u leeyihiin dabagalka dadka u dhashay UK ee doonaya inay dagaalada shisheeye ka qeyb qaataan kahor inta aanay ka bixin UK iyo waliba sidii loo diidi lahaa inay dalkooda dib ugu soo noqdaan kuwa hada ka qeyb qaadanaya dagaalada ka socda Siiriya iyo Ciraaq.

Cameron ayaa doonaya in hay’adaha sirdoonka loo fasaxo inay helaan diiwaanka ama listiga shirkadaha diyaaradaha ee ka baxaya dalka UK iyo kuwa soo galaya, isla markaana dadka heysta dhalashada UK ee xubnaha ka ah kooxaha argagaxisada ah loo diido inay dalkooda dib ugu soo noqdaan.

Waxaa sidoo kale qorshahan qeyb ah in kuwa kasoo qeyb qaatay dagaalada ee hada ku sugan gudaha UK lagu khasbo barnaamijyo dhaqan celin ah si looga hortago inay khal khal ku keenaan amniga wadanka Ingiriiska.

Inkastoo ay qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada soo dhaweeyeen qorshaha barnaamijka dhaqan celinta iyo xakameynta dhaq dhaqaaqa dadka doonaya inay ku biiraan kooxaha sida ISIS, hadana qaar badan oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka UK ayaa sheegay in sharciyada hada jira ay ku filan yihiin xakameynta khatarta ka iman karta muwaadiniinta reer UK ee ka qeyb qaadanaya dagaalada ka socda Bariga dhexe.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment