Wednesday, September 3, 2014

Xukuumadda oo Golaha Wakiillada ka dalbatay dedejina Xeerka diiwaangelinta Madaniga iyo Cod-bixiyeyaasha oo ay dhankiisa isaga riixday dhammaystirkiisa

“Waxaannu dareemaynaa maalin walba Xildhibaanno ama dad Siyaasiyiin ah oo ku tiraaba doorashooyinkaa dib loo dhigayaa, Xeerkuna idinkuu idinla yaallaa..” Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

Hargeysa, 03 Sept, 2014 (Himilo)- Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo hoggaamiyo, ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiillada ka codsatay inay si dhaqso ah u waajibkooda uga gutaan Xeerarka ay u soo gudbisay Golaha, gaar ahaan Xeerarka Diiwaangelinta Madaniga ah iyo ta Cod-bixiyeyaasha iyo Nidaamka Xukuumadda, isla markaana dhammaystirka iyo qabyo-tirka Xeerarkaasi yahay Waajib Dastuuri ah oo Goluhu leeyahay.
xir DSC_0056Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiillada, ayaa sheegay inay maqlaan Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin Xukuumadda ku eedeeya inay damcsan tahay dib-u-dhigis ama dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka kala duwan ee qorshuhu yahay inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sannadka foodda innagu soo haya ee 2015-ka, balse ay Xeerarka hirgelintooda iyo qabashada doorashadu isku xidhan yihiin ay hor yaallaa Golaha Wakiillada laftiisa, gudashada waajibaadkooduna iyaga saaran yahay sida uu sharcigu dhigayo.
Waxa uu Wasiir Xirsi sidaas ku sheegay mar uu hor-tegay Mudanayaasha Golaha Somaliland fadhigoodii shalay oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ka dib markii Goluhu u diray dalab ah inuu hor-yimaaddo, isla markaana faahfaahin ka bixiyo Wasiirka Xeerka Nidaamka Xukuumadda oo dhawaan Madaxweynaha Somaliland u soo gudbiyey Wakiillada.
Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu Xildhibaannada Golaha Wakiillada Warbixin ka siiyey ujeeddada iyo muhiimadda Xeerka Nidaamka Xukuumadda ee Madaxweynsuhu u soo gudbiyey Golohooda. Wasiir Xirsi waxa uu sheegay in Xeerkani wax badan ka tarayo habsami u socodka Hawlaha maamulka Dawladda iyo kala xadaynta waajibaadka qaybaha xukumadda islamarkaana uu maamul wanaag u horseedi doono.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlay sida uu Xeerkani u qaabanaynayo Haykalka dawladnimo waxa uu yidhi; “Hoggaanka guud ee qaabaynta iyo jaan-gooynta Siyaasada (Policy and Dicision Makers), Maamulka, Maaraynta Xafiisyada iyo shaqada Xukuumadda (Administaration of Public Service) iyo Adeeg-bixinta Bulshada (Direct Public Service Providers).”
Wasiirku waxa uu sidoo kale sharraxay ujeeddada Xeerkan loo aasaasay waxaanu yidhi; “Dedjinta sharci Saldhig u ah aasaasidda Hay’addaha Xukuumadda dhexe, Xaddidaadda xilka, waajibaadka, awoodaha iyo shaqada Hay’addaha Xukuumadda dhexe, Kala xadaynta hawlaha iyo xilalka laamaha Xukuumaddda dhexe iyo isku-xidhkooda. In la gaadho tayayn dhammaystiran oo la xidhiidha guud ahaan wax-qabadka Xukuumadda, In la xaqiijiyo habsami-u-socodka adeegyada Bulshada, In si cad loo iftiimiyo, lana dhaqan-geliyo, Xadka u dhexeeya xilalka Maamul iyo Siyaasadeed ee haga, gaadhsiiyana adeegyada aasaasiga ah qaybaheeda kala duwan ee Bulshada.”
Sidoo kale, Wasiir Xirsi, waxa uu sheegay in Xeerkan Nidaamka Xukuumadda ee Madaxweynaha oo ka duulaya hagaajinta, horumarinta iyo tayaynta haykalka dawladnimo iyo nidaamka Maamul iyo Shaqo ee Hay’adaha Xukuumiga ah, isla markaana uu Xeerkani marka uu hirgalo wax badan oo muhiimad ah u soo kordhin doona dalka, dadka iyo dawladdaba iyo kala hagidda Hay’adaha Xukuumadda. Waxa uu Wasiir Xirsi sheegay inuu Xeerkani qeexayo in Sharafta iyo Karaamada Xukuumadda oo ah isku-xidhaha dawladda, in dadka aanu u dhaxayn qabiil ee uu u dhexeeyo dalku, iyo qodobbo la mid ah oo kale.
Waxa uu Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan gebo-gabadii soo jeediyey oo uu yidhi; “Intaa ka dib waxaannu idinka codsanaynaa in Xeerarka idinla yaalla ee aannu idiin soo gudbinnay ee Xeerkani ka mid yahay ee uu ka midka yahay Xeerka aadka u muhiimka ah ee diiwaangelinta Madaniga ah iyo Cod-bixiyeyaasha aad ka gudataan waajibaadkiinna, maaddaama oo ay jirto baahi daruuri ah oo loo qabo.”
“Waxaannu dareemaynaa maalin walba Xildhibaanno ama dad Siyaasiyiin ah oo ku tiraaba doorashooyinkaa dib loo dhigayaa, Xeerkuna idinkuu idinla yaallaa. Xeerka idinla yaalla dhammaystirkiiisa iyo qabyo-tirkiisu waa waajibaad Dastuuri ah oo idinku leedihiin, waxaanan idinka codsanaynaa inaad noo soo gudbisaan kana gudataan waajibkiinna.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment