Monday, August 17, 2015

Golaha Guurtida Oo Maxkamada Kula Taliyay Inaan Laga Tagin Go’aankooda Oo Uu Sharci Yahay.

“Maxkamadu Go’aankayaga Dhaafi Mayso, Waa Sharci, Dastuurkay Ku Taalaa”Xaaji Cabdi Waraabe.
Hargeysa August 17, 2015(Himilo)-Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen (Xaaji Cabdi Waraabe) Ayaa markii u horaysay ka hadlay mudo kordhinta golaha guurtida Somaliland u sameeyeen mudo xileed madaxwaynaha iyo golaha wakiilada .
Xaaji Cabdi Waraabe waxaa uu sheegay in xisbiyada qaranka iyo komishanku ay masuul ka yihiin mudo kordhinta ay sameeyeen, maadaama ay iyagu markii hore keeneen in mudada loo kordhiyo madaxwaynaha iyo wakiilada.
Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe waxaa uu ku dooday in Sadexda xisbi oo wada socdaa ula yimaadeen mudo kordhin Sanad iyo Lix bilood ah, Guurtiduna ay ku dareen afar bilood oo kaliya isagoo sheegay inaan afartaasi bilood ee guurtidu kordhisay dib u celin dalka.
Xaaji Cabdi waraabe waxaa uu sidoo kale sheegay in komishanka doorashooyinka looga fadhiyo inay degdeg sameeyaan isagoo shacabka uga digay in loo noqdo xamar.
Xaaji Cabdi Waraabe oo arimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Hadalku yuu suuqa ku dhex lulmin Komishanka waxaan kula talinayaa arinka dadajiya, Sida koonfureed yaynaan Noqon, waxaan wax aheyn kow yay inaga siin, Arinku wuxuu ahaa sanad iyo lix bilood ayay noo keeneen sadexda xisbi , Afar bilood baanu ku darnay, afar biloodna maaha wax idinka la idinku walbahaariyo, oo buuq iyo hadal la galiyo .”
Xaaji Cabdi Waraabe waxaa uu sheegay inay sharci u leeyihiin mudo kordhinta xisbiyada iyo madaxwaynuhuna ay leeyihiin soo jeedin “Korodhsiimadana madaxwaynaha, komishanka iyo sadexda xisbi ayaa soo bilaabay anagu afartaa biloodbaanu ku darnay, Qalinkayaga waa sharci Madaxwaynaha,Komishanka iyo sadexda xisbi soo jeedin ayay leeyihiin”Ayuu Yidhi Xaaji Cabdi Waraabe.

 
Xaaji Cabdi Waraabe waxaa carabka ku dhuftay inaanay maxkamada sare soo saari doonin go’aan ka duwan ka guurtida maadaama ay mudo kordhinta guurtidu sharci tahay “Waxaan filayaa inaanay maxkamada sare soo saari doonin go’aan ka duwan kaayaga waayo waa sharci dastuurkay ku taalaa, go’aanka guurtibaa leh guurtidana meesha laga saari maayo.”Ayuu Yidhi Xaajin Cabdi Waraabe.

 
Geesta Kale, Xaaji Cabdi Waraabe waxaa uu ka hadlay dilal soo noqnoqda ee dalka ka dhaca isagoo xukuumada kula taliyay in la fuliyo qisaasta “Xukuumadu Ninkii Qof dila, askari ha noqdo shicib ha noqdo yaan laga gudbin ee haloo dilo, sidaynu ku dhismayno sidaas ayay ila tahay”Ayuu Yidhi Xaaji Cabdi Waraabe.

Himilomedia
Hargeyssa Office

No comments:

Post a Comment