Hargeysa 09 March, 2014 (Himilo)- Saraakiil ka tirsan jabhada ONLF ee la dagaalanta dawladda Itoobiya oo doraad lagu qabtay deegaanka Sayla oo ka tirsan gobolka Hawd, ayaa la filayaa in dhawaan lagu wareejiyo Dawladda Itoobiya.
Xogo wargeyska Himilo ka helay ilo lagu kalsoon yahay oo la xidhiidha hawlgalka lagu qabtay raggan oo isla markiiba lagu wareejiyey Ciidamada Ammaanka ee gobolka Hawd, ayaa tibaaxaya in ay ku jiraan Sarkaalkii isku-dubaridka taakulaynta jabhada ONLF iyo nin ka hooseeya oo muddo laba todobaad ah ciidamada Amaanka Somaliland raacdadooda ku jireen.
Sidoo kale xogaha wargeysku helay ee la xidhiidha qabashada raggan, ayaa sheegaya inay ku jiraan saddex nin oo ka tirsan dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo la shaqeynayey Kooxda ONLF, kuwaas oo ciidamadu mar dambe baadhitaan ay samaynayeen ka soo qabteen goobtii labada nin ee ONLF ka tirsan lagu qabtay.
Xoguhu waxa ay tibaaxeen in Raggani dhamaantood qirteen hawlaha ay ku jireen iyo inay ka tirsan yihiin jabhada ONLF, waxaana la filayaa in lagu wareejiyo xukuumadda Itoobiya, sida uu dhigayo heshiiska iskaashiga amaanka ee u dhexeeya labada waddan, inkasta oo xukuumaddu aanay weli gaadhin go’aan kama dambays oo arrimahan raggan la xidhiidha.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment